Ururka Daawooyinka Keena Oo Difaacay Tayada Daawooyinka Ay Soo Dejiyaan

0
646

Picture2Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta  Ururka soo dejinta Dawooyinka ee DIWO, ayaa  faahfaahin ka bixiyey soo dejinta Dawooyinka la keeno Somaliland, Masuuliyiinta ayaa meesha ka saaray Dhaliilo sheegaya in Dawooyin bilaa tayo ah dalka soo galaan.

Guddoomiyaha Ururka DIWO Yuusuf Ducaale Barre ayaa sheegay in Ururka ay ku midaysan yihiin 20 Xubnood(Shirkadood) oo soo dejiya Dawooyinka, kuwaasi oo lagu wacyi geliyay inaanay dalka keenin daawo  aan tayadeeda la hubin. Waxa uu sheegay Yuusuf Ducaale Barre inaanay haboonayn qof aan aqoon dawo lahayn inuu wax ka sheego Dawooyin da’daal la geliyey oo Masuuliyiini isku hawshay.

Warbixin ay soo saareen waxay ku yidhaahdeen sidan “Masuuliyiinta Ururka Diwo oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u soo bandhigay Qoraal ay ku faahfaahinayaan Dawooyinka Dalka soo gala, tayadooda, meelaha laga keeno iyo sida ay wada shaqaynta u leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda dhawrista tayada iyo WHO.

XAGGEE DAAWADU INOOGA TIMAADDAA?

 Meelaha ugu badan ee daawadu inooga timaaddaa waa, Asiyada fog ( India, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Thailand iyo ChinaYurub ( France, U.K., Germany, Netherlands, Italy, Qubrus iyo meelo kale,Carabtana Masar, Urdun, dalalka Khaleejka, Suuriya iyo Yemen,Turkiga iyo Iran: oo hadda la odhan karo waxay ku siqayaan inay qabsadaan suuqa.

SIDEE LOO DOORAN KARAA DAAWOOYINKA TAYADA FIICAN?

Runtii way sahlan tahay inaad hesho tayada ugu wacan ee daawada markaad adigu doonayso haddii raacdo tallaabooyinkan. Markaad doorato shirkad leh taarikh iyo sumcad wanaagsan.Markaad soo iibsato ka diiwaan gashan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.Markaad hubiso in wax soo saarka shirkaddaas iyo hab-dhaqankeedaba ay saxeen hay’adaha tayada eega ee dalka ay ku taal, hadday haysato shahaadooyin ay bixiyeen shirkado kale oo caalami ahna aad bay uga si fiican tahay.Markaad intaas doorato ee aad wax kala iibsataan waa in laguu soo raaciyo waraaqaha muhiimka ee safarka sida: Invoice & Packing list,Certificate of analysis,Certificate of origin Or N.O.C.

DALKA MA SOO GALAAN DAAWOOYIN BEEN ABUUR AHI (FAKE DRUGS)?

Ururka DIWO markii la aasaasayba wuxuu ku war geliyey xubnihiisa inay iska ilaaliyaan wax kastoo keeni kara tuhun, iyadoo shirkadaha looga digay inaanay keenin daawo aanay ku caddeyn shirkaddii samaysay iyo cinwaankeedii oo buuxa iyo dalka dhab ahaan loogu sameeyey.

Ilaa seddex goor ayey wasaaradda caafimaadku ka ururisay muunado (sample collection), waxa lagu shaybaadh kooban oo wasaaraddu hayso, qaarkoodna waxa loo direy Nairobi si loo sii hubiyo, guddida ku shaqo leh hawshaasi waxay noo caddeeyeen inaanay helin wax qaldan, kuwii Nairobi lagu baadheyna waa naloo soo gudbiyey jawaabtii oo ah OK

MAXAA KA JIRA QAYLADA KA SOO BAXAYSA DAD BADAN OO DHALEECEEYADAAWOOYINKA DALKA YAAL?

Marka aan ka jawaabo su’aashaas waxan odhan karaa qayladaasi waa: XOG LA’AAN ( xog laawe xaajo wuu bi’iyaa) baa hore loo yidhi, si aad xog dheerad ah uga heshaan daawada dalka taal ama la keeno waxan halkan idiinku soo gudbinaynaa laba shaxood (2 Tables) oo mid muujinayo: Shirkadaha kala duwan ee dalka ku leh wakiillo ama Distributors, magacyadooda, dalalka ay ku yaallaan iyo WEBSITES-kooda si qof weliba u baadho una ogaado waxay yihiin.Shaxda labaad waa tusaale ka mid ah shirkadaha adduunka ugu waa weyn xagga daawooyinka oo daawooyinkoodii inoo yimaaddaan si dadban oo aynu ka soo iibsanno dalalka ay joogaan sida khaleejka india, Pakistan iyo Turkiga, waxaana ka mid ah: GLAXO SMITH KLINE (GSK), PFIZER, SANOFI, NOVARTS, ASTERAZENECA, SCHERING ETC.

Sidaa awgeed daawada dalka timaadda waa mid lagu kalsoon yahay ugu yaraan 80%, cidda dacaayadda fidisaana inta badan ma aha dadkii aqoonata u lahaa daawada, mana soo bandhigaan cilmi baadhis tix-raac iyo daliil leh oo lagu kalsoonaan karo.”