Ururka Barre Intellectual Group Oo Casho Sharaf U Sameeyay Agaasimaha Maamulka Iyo Shaqaalaha Madaxtooyada

0
504

Hargeysa(Geeska)-Urur ka Barre Intellectual Group ayaa habeen hore casho sharaf ay ku maamuusayan Agaasimaha maamulka iyo shaqaalah wasarada madaxtooyada JSL

1

Kulankan oo ka dhacay hotel Handhwanag ee magalada Hargeisa ,casho sharaftan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan xubnaha ururkan aqoonyaha ah ayaa waxa ujeedada xafladan casho sharafta ah ka hadalay gudoomiyaha Bare intellectual Group Ahmed Ismacil oo sheegay in ay tahay mid ay ku maamuusayaan Xubin kamid ah oo dhawan loo magacabay xilkaa Agaasimaha maamulka iyo shaqaalah wasarada madaxtoodayada JSL‘’waanu kuu ducaynaynaa in ilaahay xilkaa kugu garab galo , masuul da, yarbaad tahay adiga iyo dhalinyarada kale ee xilaka ka hayaba in ilaahay garab kiina galo, ururkan barre waa urur ka kooban aqonyhano jamacadaha wadanka iyo wadamada jaarka ah wax ku bartay badankooduna waa aqonyhano heer sare ka gaadhay aqoonta ilaa shahadada labaad ee jamacada dhamaystay ujeedada ugu wayni ee ay iskugu yimadeena waa dhirigalinta dhalinyarada xaga aqonta iyo horumarinta shaqsiga ah’’ .

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay c.shakuur daadud mawel oo kamida aqonyahanka ku bahoobay ururkan waxaana hadaladiisii kamid ah” cawa oo aynu maamuusayno mid kamida aqonyahan keena kubahoobay Barre Intelectual group oo xil Agaasime looga magacabay madaxtooyada JSL oo aynu garnayno muhiimadeeda,aadbaan ugu faraxsanahay , farxadaa dabadeed waxaan mahad naq udirayaa wasiirka madaxtooyada JSL oo ah wasiir ku sifaysan dhiiri galinta da, yarta waxbaratay isagoo masuulkani yahay masuulkii labaad ee ka tirsan Barre group ee uu xil Agaasime u magacaabo isagoo uu ka sii horeeyey Nageeye M. Hassan oo uu hore xilkan oo kale ugu magacaabay wasiirku mahadi haka gaadho dhiirigalintaa aad usamaysay

dhalinyarada dedaalkana halkaa kasii wad wanan hubaa in dhalinyaradu wax badan ka badali donan habsami usocdka hawla loo igmaday’’

Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha maamulka iyo shaqaalah wasarada madaxtoyada JSL Saacid Cabdi ciise oo aad usoo dhaweeyey xafladan maamuuska ah “ waan idinka mahad celinayaaa maamuuskaa aad I maamuusteen ee sidaa aad ii maamuusteen si lamida alle haydiin maamuuso, runtii dhalinyaro badan ayaa xilal ka haya dawlada oo joogo meelo badan oo halbawlayaal ah waxaan odhan karaa dhamantood hawlihii loo igmaday intoodi badnayd way kasoo dhalaaleen, waa awood dihin oo ubaahan in laga faaiidaysto xukuumadan hadana waan uga mahad naqayaa dhiiri galintaa ay u sameeyeen dhalinyarada oo ah mid ay amaanteeda leedahay, ugu danmbayntii waxaan umhad naqayaa dhamaan xubnaha Barre intellectual group ee xafdlan soo qaban qaabiyaay .