Ururadii SONYO Ee Gudoomiyaha U Doortay Cabdicasiis Xirsi Oo Xaflad Taageero Ah U Qabtay

0
507

Picture4Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen garabkii aqlabiyada ee guddoomiyaha dalada SONYO u doortay Md:Cabdicasiis Xirsi Warsame isla mar ahaantaana ay taageero ugu muujinaayeen ayaa shalay lagu qabtay hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.Waxaana munaasibadan ka soo qeyb galay guddoomiye Cabdicasiis, qaar ka mid ah aas aasayaashii dalada SONYO, ergooyin ka kala socday aqlabiyada gobalada Afartii gobal ee doortay guddoomiye Cabdicasiis iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan. Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Buraale Jibriil Gaaxnuug oo hore u ahaa aas aasayaashii dalada ururada dhalinyarada ee SONYO, waxaana uu yidhi:  "Shirkan oo ah shir aynu ku muujinaynoo cududeena iyo aqlabiyadeena SONYO,oo in aynu nahay aqlabiyadii ama cidii ku guulaysatay hogaanka SONYO oo aanu halkan ku fadhino.sida aynu wada ogsoonahay sanadkii hore dabayaaqadiisii Hotel Ambasador ka furmay shirweynahii SONYO, waxaana ay aqlabiyadii siday SONYO isku soo dooran jirtay, waxaa ay ahayd mar marka qaar in ay hal cod inta ay ku kala guulaystaan ay waliba isagu hambalyeeyaan halkaa cod, maanta doorashadan u danbeysay halka ay 124-Ergo ay ka fadhidiyeen ay 74-cod oo ka mid ah, ayaa aqlabiyada ku siiyey Cabdicasiis Xirsi Warsame, markaa halkaa waxaad ka arkaysaan in ay aqlabiyadii ay sidaas ku guulaystay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaarahu waxaa uu xaq u leeyahay oo kaliya in uu shirka noo furo, marka lays doortana uu noo xidho.marka waxaan leenahay madaxweyne wasiiradaada rag badan oo aad boosaskoodii aad la heshay ayaa jira laakiin se Cali Siciid Raygal lamaad helin booskaas uu hayo"Ayuu yidhi Buraale Jibriil Gaaxnuug. Md:Cabdiqaadir Cumar oo ka mida dhalinyarada laga tirada badan yahay oo isna halkaasi hadal koban ka jeediyey ayaa sheegay in ay ka dhalinyaro ahaan markii ugu horeysay abid uu Cabdicasiis u ogalaaday in ay ka mid noqdaan golaha SONYO, waxaana uu yidhi:“Waxaanu ka tirsanayn dalada SONYO muddo Laba iyo Toban sanadood ah, Laba iyo Tobankaa sanadood sanadk kaliya maanu iman golaha SONYO,sidaas daraadeed markii uu imika socday olalihii doorashadu, waxaanu kulamo la yeelanay Labadii garab labadii guddoomiye ee kula sharaxnaa jagooyinka guddoomiye nimada, waxaana aan labada dhinacba weydiinay in ay noo sheegaan waxa ay noogu talo galeen, waxaana noo cadaatay oo aanu ogaanay in aan dhinaca garabka Siyaas iyo Mubaarik Ismaaciil Taani aanay ogalayn in ay wax xubin ah naga siiyaan golaha SONYO,markii aanu la kulanay dhinacan aqlabiyada ee uu hogaaminaayo Cabdicasiis, waxaa ay noo sheegeen in xubinta dhalinyarada laga tirada badan yahay ay aqbaleen oo noqonaysa markii ugu horeysay ee dhalinyarta beelahasi ay ka soo qeyb galaan". Marwo:Khadra Kaliil oo iyaduna sida oo kale ahayd aas aasayaashii dalada SONYO sid oo kalena ka mid ah egrooyinka doortay guddoomiye Cabdicasiis, oo iyadunah halkaasi ka hadashay."Waxa weeyaan waanu dhisnay SONYO intaana waanu la daba soconaa,laakiin hadana dee sidii ay ahayd anagu ugama faa'idaysano haddaanu nahay uraradii dhalinyarada Somaliland aanu nahay, waxaana ka faa'idaysta ingaar ah, intii gaarka ahayd haddana waanu ku taageeraynaa in ay ka faa'idaystaan, laakiin maaha in ay si khaldan ay uga faa'idaystaan,oo ay yidhaahdaan anaga ayaa leh oo qabyaalad lagaliyo. Waxaan doonayaa in aan halkan ka caddeeyo waxaanu ahayn aqlabiyadii gobalada ee Afar gobal oo aanu Cabdicasiis ku dooranay, markaa waan ka xumahay in markii ay saaxiibadayaday markii ay arkeen in aanu guusha leenahay haddaanu nahay garabkii Cabdicasiis u codeynaayey in deedna meeshii na lagaga soo dareeray,isaga oo hor kacaaya guddoomiyihii hore ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani. Anigu waxaan ahay hooyadii SONYO, hooyaduna ubadkeeda iyada ayaa kala taqaana, aniga cid iiga sheekaynaysa Mubaarik ma jirto, Mubaarik Taani Ururkii dhalinyarada ee SYS miyaad waayadan aad saaxada ku maqasheen, maalintii SONYO la aas aasayey, khilaafkeedii iyada oo uu socdo waxaa uu ahaa ragii baa'biiyey,ee kow ka ahaa, tiraba saddex jeer ayaa uu aniga ii yimi oo waxaa uu igu yidhi aan isu soo istaago guddoomiye nimada SONYO, waan ka diiday aniga oo og in uu yahay nin wax burburiya se aanu ahayn nin wax dhisa".Ayey tidhi Marwo:Khadra Kaliil.

Guddoomiyihii Labad ee intii ay jirtay dalada SONYO Md:Cabdiraxmaan Guun, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Maalmo dhaweyd ayaa ay igu yidhaahdeen waa uu yara baxsaday Cabdiraxmaan, waar maan baxsan ee sahan ayaan idiin ku maqnaa,oo waxaan islahaa yaan reerkii iyo caruurtiiba guri xumo kaaga dhicin, markaa gurigii aan idiin sahamiyey dhalinyarooy maadama aan aabo idiin ku wada toosanahay, waxaan idiin ku bushaaraynayaa in aan idiin so helay guri barwaaqo, gurigaasina waa gurigan uu Cabdicasiis guddoomiyaha inoogu yahay" . Ugu danbayntiina guddoomiyaha cusub ee dalada SONYO Md:Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaana uu yidhi:"Sida aad la wada socoteen doorashadii SONYO ee dhacday,aqlabiyadii iyo guushii halkaa ka dhacday markii ay ragii saaxiibaday ahaa ay quudhi waayeen, ee ay hambalyeyn kari waayeen, oo wax aad noogu cusub ahayd, waa kuwii soo yaacay ee laba cisho ka dib, wax ay doorasho ku sheegayaan oo macmal ah meel halkaas ah ku madawsaday, walina sidii ayey ku maqan yihiin, dad indheer garad ah waanu u dirnay si ay u soo lad qabeeyaan oo ay wax ugu soo sheegaan, gar iyo garawshiyaba saxiibaday waa ay diidan yihiin, markii arrinta la waday waday ee la yidhi tolow saxiibaday maxaa sidan ku kalifay, sidii Cabdiraxmaan Guun halkan inooga caddeeyey, waxaa la ogaaday in mad madaw badani uu labadii sano ee uu Mubaarik Taani hogaaminaayey ka jiray, mad madawgaa darteed si aan loola xisaabtamin, si aan wax laysagu sheegin,ayuu saaxiibkay doonayaa in uu daladii u burburiyo, se waxaan u sheegaynaa in aanay Sonyo marnaba burburi doonin.Ururad Bulshada ee SONYO la soo shaqeeyey, iyo hay'addaha kale ee madaxa-banaanba, waxaan u sheegaynaa in aan annagu gar iyo garawshiyaba na qabta diyaar ayaanu u nahay, laakiin saaxiibadayda kale ee meelaha madawsanaaya ee cid kasta oo gar iyo garawshiyo ula tagta aan ka yeelayn ha yimaadaan fagaarayaasha.Waxaan u sheegayaa ninkasta oo doonaya in ay soo burburto marnaba ka yeeli mayno, Sonyo maaha urur Siyaasadeed waa urur Bulsho, waa dalad u taagan in dhalinyarada koone illaa koone ay isku xidho, Sonyo saami qeybsi maaha waa urur doorasho, doorasho ayaa lagu kala baxay, kurisga haddii Boorama lala doonayo saaxiibkay Siyaad, wasiir Siciid Reygal dee booskiisa ha u baneeyo, hadduu wax fiican la doonayo saaxiibkay".