Ururada Waab Qurux Iyo Sama-wade Oo Baligubadle Ka Fuliyay Mashruuc Beeraha Ah

0
579

Hargeysa(Geeska)- Urada  Waab Qurux  iyo Sama Wade ayaa ka fuliyey Degmada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd Mashruuc Maalgelin Dhinaca Beeraha ah , labadan urur ayaa si wada jir ah u maalgeliyey Beeralayda ay saamaysay abaartu ee Degmada Baligubadle ee Gobolka Hawd.

Masharuucan ayaa loogu talo galay inay ka faa’iidaysaan dadka ku dhaqan Degmada Baligubadle ee beeralayda ah iyo xoolahooduba, mashruucan ayaa waxaa ka faa’iidaystandoona beeralay tiradoodu dhan  tahay 100 Beeralay ah, iyadoo lafuliyey cabir dhan 75 higter oo dhul beereed ah.

Mashruucan oo uu fuliyey ururka Waab Qurux ayaa waxaa si wada jir ah u wada maal geliyey uruka Sama wade iyo ururka Waab Qurux.

Munaasibad kooban oo loo qabtay furitaanka  mashruucan ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kasocotay ururka Waab Qurux, Madax dhaqameedka Degmada, Xildhibaano ka dirsan Golaha Degaanka, Odayaasha iyo dadkii ka faa’iidaystay mashruucan.

Ugu horayntii waxaa koobta ka hadlay Sheekh Ismaaciil Kayd Ibraahim oo ka mid ahaa masuuliyiinta Ururka Waab Qurux, isagoo ka war bixiyey sidan uu ku yimid mashruucani iyo maaligelintiisu waxanuu yidhi
 “Mashruucan waxay fikiradiisu ka timid, ka dib markii aan ogaanay baahida loo qabo mashruucan iyo sida ay abaartu u jilcisay dadka degaanaka ee beeralayda ah oo ay ugu adagtay inay dib u qotaan beerahoodii, waxananu iska kaashanay arintaas sidii si dhakhso ah loogu fulin lahaa ururka sama wadde, oo ah urur hablo qurba jooga oo deegaanka u dhashay”.
sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Maxamed Aamiin Cabdiraxamaan Cilmi oo ah Agaasimaha Waab Qurux waxaanu yidhi “umad kastaaba waxay horumar ku gaadhi kartaa, iskaashi iyo wax wada qabsiga, mashruucanai maaha mid ay hayadi inaga caawisay iyo xukuumadi toona ee waa wax ku yimid tabarucaad ay bixiyeen xubnaha labada urur”.

Agaasimuhu isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu baaq u diray Wasaarada Beeraha JSL, isagoo usoo jeediyey inay indhahooda usoo jeediyaan Gobolka Hawd, waxaanu yidhi

“Waxaanu ka codsnayanaa Wasaarada Beeraha inay uga hawl galaan gobolka sida gobolada dhigiisa ah, iyadoo aanay jirin habayaraatee cid matalaysa wasaarada beeraha oo ka hawl gasha gobolkan, sidaa daraadeed waxan u ka codsanaynaa wasaaradu inay usoo magacawdo isuduwihii gobolka, maadama uu gobolkani isugu jiro dhul beereed iyo dhul daaqsimeedba”
Dhinac kale  waxaa koobtii munaasibada hadalo mahad celin ah kasoojeediyey, masuulyiin ku hadlay afka dadka deegaanka iyo ka faa’iidaystayaasha mashruucan.
ugu horayn waxaa hadlay Khaalid Haaruun Aw Cali
waxaanu yidhi  “waxaan halkan uga mahad celinaynaa Labada Urur ee Sama Wadde iyo Waab Qurux oo maanta nasoo gaadhsiiyey mashruuc, faa’iido badan noo leh oo ay aad ugu baahnaayeen dadka deeganka ee ay abaartu saamaynta wayn ku yeelatay, waxaanay kusoo beegeen wakhtigii loogu baahida badnaa oo ah wakhtigii ay ku haboonayd ee beero falashada,”

isagoo sii wata hadalkiisa Khaalid Haaruun wuxuu u duceeyey dadkii kasoo qayb qaatay hawshan, waxaanu yidhi “ waxan halkan uga ducaynayaa dhamaan xubinihii labadan urur ee kasoo qayb qaatay hawsha mashruucani inay nasoo gaadho maanta, waxaan ilaahay idinka baryaynaa inuu wax ka khayr badan idinku badalo halkii aad kasoo saarteen deeqdaas aad soo gaadhsiiseen walalihiin, xili ay ugu baahnaayeen”.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay qaar kamid ah madax dhaqameed iyo odayaasha deegaanka

Xasan Axmed Aadan (Xasan Bidaar) oo Kamid ah Odayaasha ugu da’da wayn Deegaanka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu arko ururo samafal oo fuliyey mashruuc noocan oo kale ah isagoo amaan iyo duc isugu daray labada urur, isagoo sameeyey balan qaad xagooda ah  wuxuu yidhi. “waxanu balan qaadaynaa ka beeralay ahaan in aanu kutalogelidoono mararka danbe in aanu anagu u samaysano sanduuq aanu kaga qayb qaadanayno mashruucan”.

Ururka Waab Qurux ayaa ah urur maxaliya oo fadhigiisu yahay maagalada hargeysa, hadiyo jeerna ku hawlan wax u qabashada deegaanada gobolka hawd, iyadoo ururku sanadihii ugu danbeeyey ka fulinayey mashriic kala duwan gobolka hawd, gaar ahaan Degmada Baligubadle

Ururka Sama wade ayaa isna ah urur ay ku midoobeen Hablo kasoojeeda Degmada Baligubadle oo Qurbajoog ah, hadiyo jeerna ay wadashaqayn dhaw laleeliyihiin, soona mariyaan mashaariicda ay maal geilinayaa Ururka Waab Qurux.

Labadan urur ma aha markii ugu horaysay ee mashruuc ka wada fuliyaan Deegaanka, iyagoo hore uga wada fuliyey mashaariic faro badan oo ay kamid yihiin dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Deegaanka iyo mashaariic badan oo kale oo khayriya sida Afurka iyo Tartanka Xifdiga Quraanka ee Bisha Barakaysan ee Ramadan.