Ururada Maxaliga Ah Ee Muqdisho Oo Mudadii Uu Madaxweyne Siilaanyo Talada Hayay Bilaabay Inay Dalka Ka Hawlgalaan

58
1224

 

Hargeysa(Geeska)-Tan iyo intii ay xukuumadda silanyo-iyo-faysalMadaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa isa soo taraya  socodka iyo  fur-furnaanta ururada samofalka ee Somaliya ka hawgala oo socdaalo kala duwan ku yimaada magaalada Hargeysa.

 

Mudadaas uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay waxa soo baxay ururo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ahna kuwo maxali ah, oo tababaro iyo siminaaro ka fulinaya gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Ururadaas waxa ka mid ah ururka Somaliya ka dhisan ee lagu magacaabo Bani-aadam oo dhawaan Hargeysa ku qabtay kulan hawleed ku saabsanaa ilaalinta xuquuqda dumarka oo ay ka soo qay galeen dad ka kala socday Somaliland, Puntland iyo Muqdihso. Sidaas oo kale Urur kale oo isna lagu magacaabo Drs. Xaaw Cabdi Foundation oo ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa isna shalay magaalada Borama ku qabtay tababar loo furay dhakhaatiir ka kala socotay Somaliland, Puntland iyo Somaliya. Inkastoo waxyaabaha ay labadan urur ka shaqaynayaan ka fogyihiin siyaasad oo ay salka ku hayaan arrimo horumar, haddana labadooduba waa laba urur oo maxali ah oo ka hawlgala gudaha dalka Somaliya, mana aha ururo caalami ah. Sida laga warqabana ururada maxaliga ahi kama gudbaan xuduudaha dalka ay ka diiwaangashanyihiin maadaama aanay ahayn kuwo caalami ah.  Sidaas daraadeed waxa ay dad badan oo bulshada ka mid ahi isweydiinayaan maxaa Somaliland keenay ururadii maxaliga ahaa ee ka diiwaangashanaa dalka Somaliya.? Mise  weli waanay garwaaqsan inay Somaliland tahay dal ka madaxbanaan dalkooda Somaliya.?  Su’aashan oo aanu isku daynay inaanu weydiino masuliyiinta wasaaradda qorshaynta qaranka ayaanay noo suurtogelin, laakiin waa mawduuc xaasaasi ah oo mudan inay xukuumadu faahfaahin ka bixiso, markii ay xukuumadii hore ee xisbiga UDUB talada haysayna lama arki jirin ururo maxali ah oo ka socda dalka Somaliya oo hawlgalo ka fulinaya gudaha dalka Somaliland.

Comments are closed.