Universtal TV Oo Sheegay Inay Somaliland Raali-geliyeen

0
858

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha Tilifishanka Universal u jooga magaaladda Hargeysa Maxamed Caabi Digaale, ayaa raaligalin ka bixiyay arimihii uu ka yidhi barnaamijka faaliyaha qaranku madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa warfaafinta Cabdilaahi Cukuse.

Barnaamijka faaliyaha qaranka dacaayado uu sii daayay ayay xukuumadda Somaliland ku xayirtay tilifishanka Universal ka shaqayntiisii Somaliland,sida oo kale masuuliyiinta tilifishakaas ayaa raali galin siiyay wasiirka warfaafinta, waxaanay Somaliland ka rajeeyeen in wada hadal dhex mari doono.

Agaasimaha tilifishanka Universal u jooga magaaladda Hargeysa Maxamed Caabi Digaale oo shir jaraa’id oo uu qabtay warbaahinta kula hadlaayay waxa uu yidhi“Waxa maalintii Arbacada ahayd ee 26 bishan saddexaad laga sii daayay xafiiska Tv-ga Universal uu ku leeyahay muqdisho raaligalin ku aadan barnaamij ka baxay faaliyaha qaranka, kaas oo lagu soo qaaday wax ka dhan ah anshaxa saxaafada iyada oo laga hadlaayo wasiirka warfaafinta Somaliland shilkii uu galay, maamulka sare ee Tv-gu waxa uu raaligalin buuxda ka bixiyay arinkaas, waxa kale oo aanu raali galin ka bixinaynaa waraysigii  madaxweynaha Somaliland oo barnaamijkaas ku baxay wakhti hore, raaligalintaas waxa laga sii daayay idaacada Hargeysa waxaanay taasi noo muujinaysaa  in fariintii gaadhay xukuumadda Somaliland, waana arin wax ku ool ah oo na tusaysa in xukuumadda ay fariintii gaadhay ayna tahay mid wax ka qaban karta arintii ka dhex dhacday Universal Tv iyo Somaliland. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Universal Tv wax cadaawad ah u hayn xukuumadda Somaliland  iyo shacabkeedaba, in badana aanu la shaqaynaynay, hadana aanu doonayno inaanu halkii ka sii wadno wadashaqayntii, waxaan ugu danbayntii ka codsanayaa in labada dhinac  ee Xukuumadda iyo Universal Tv-ba ay dib u soo celiyaan wada shaqayntii wanaagsanayd ee ka dhaxaysay, aadbaanuna uga xunahay waxa dhacay.”