Ukraine Oo Madaxweyne Cusub Loo Magacaabay

Published on Feb 25 2014 // Warar

Picture1Baarlamaanka Ukrain ayaa u doortay afhayeenka baarlamaanka inuu noqdo madaxweyne ku meel gaadh ah, maalin kadib markay xukunka ka qaadeen Victor Yanukovych mudaaharaadyo looga soo horjeedo kadib.

Afhayeenka baarlamaanka Oleksander Turchinov, ayaa ku guubaabiyay xildhibaanada inay ku heshiiyaan dowlad ku meel gaadh ah Talaadada.

Afhayeenka baarlamaanka waxay isku dhow yihiin, Ra'iisalwasaarihii hore Yulia Tymoshenko oo xabsiga laga soo daayay Axadii.

Madaxweyne Yanukovych ayaa ka tagay waddanka, waxaana la bixiyay amar lagu soo xidhayo saraakiisha sare ee dowladda.

Baarlamaanka Ukrain ayaa kulmay si ay uga tashadaan mustaqbalka siyaasada. Xildhibaanada ayaa ka dooday magacaabida Ra'iisalwasaare iyo dowlad ku meel gaadh ah, ka hor doorashada madaxweynenimada ee dhici doonta May.

Lama oga meel uu jiro madaxweyne Yanukovych, wuxuu talaabada baarlamaanka ku tilmaamay mid afgambi ama xukunka looga qaaday.

Sabtidii ilaalada xuduuda ayaa lagu soo waramayaa inay ka hor istaageen inuu diyaarad ku galo Ruushka.

Dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay dadka mudaaharaadaya iyo ciidamada ammaanka ayaa dilay in ka badan siddeetan qof. Fagaaraha xoriyada oo dadka isugu imanayeen ayaa hadda dagan. Boliiska ayaa sheegay inay raadinayaan laba masuul oo ka tirsanaa dowladda.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!