Uhuru Kenyatta Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya Iyo Raila Odinga Oo Natiijada Diiday

0
795

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa xalay cawayskii ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacday Salaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbahaysiga NISA Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin may sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa hore u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada. Guddiga doorashada ayaa iyaguna sheegay in la isku dayay in loo dhaco laakiin lagu guuldaraystay.

Ka hor intaan natiijada looga dhawaaqin xarunta guddiga doorashada ku shaqeenayeen ee Bomas ayey halkaasi isaga baxeen murashaxiinta xisbiga mucaaridka ugu weyn ee NASA oo uu hogaamiyo Raila Odinga oo natiijada qaadacay intaan lagu dhawaaqin.

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socota.

Mr Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qoomiyadood.Dacwadahan waxay la xidhiidheen rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.x

Kiiska maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ayaa la baabi’yay kadib markii loo waayay cadaymo iyo markii ay dhinteen goobjoogayaashii muhimka ahaa ama la waayay.