Ugaaska Beelaha Habar-Yoonis Oo Hambalyeeyey 18 May, Iyo Aragtidiisa Murashaxnimada Muuse Biixi

0
618

Picture1Waxaan halkan ka hanbalyeynayaa dhamaan dad weynaha JSL ka nool ee sida fiican ugu dabaal degay 18 may, waxaan duco iyo naxariis u waydiinayaa ILAAHAY in dhamaan Mujaahidiinti SNM ee ku geeriyooday Halgankii janada ka waraabiyo. Gaar ahaan gudoomiyihii SNM ee ku guulaystay Dib u Xorayntii Dalka iyo ku dhawaaqistii JSL 1991kii, ah aabihi gobonnimada Somaliland, Mujaahid C/raxmaan Axmed Cali.

Intaa kadib, beryahan danbe waxaa warbaahinta qaarkood aan ku arkay ama aan ka akhriyey madax dhaqameedyada Somaliland qaarkood oo ka hadlaya laba qodob oo kale ah:

1. Muuse Biixi ha ka tanaasulo musharaxnimadda jagadda Madaxtinimadda Dalka JSL.

2. Iyo Qodobka labaad oo ah in uu xisbiga Kulmiye Burburaayo:

Haddaba, anigu Ugaas ahaan aragtidaydu taas waa ay ka duwan tahay, waxaan aad iyo aad u hanbalyeynayaa Musharaxnimadda Muj. Muuse Biixi Cabdi uu isku sharaxay jagadda madaxweynenimo ee uu ka cadeeyey xisbiga Dhexdiisa, ma arko cid musharax ah oo uu Muuse u tanaasulo oo ka cadaysatay xisbiga dhexdiisa, iyo meel kale midna, sidaa awgeed miyaaney u muuqan arrin lagu deg-degay oo seegtay godkeedii. Distoorka Asxaabta Qarankeenu miyaaney ku caddeyn in qof kasta oo ka mid ah xisbigu ka dhex tartarmi karo? Miyaaney taasi ahayn dimuqraadiyada uu hirgelinayo Madaxweynaheena JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,? Hadaba uma arko xisbiga kulmiye in uu yahay mid burburaya ee waxaan u arkaa mid jiraya, xisbiga iyo xukuumaduna waa ul iyo diirkeed, xisbiga ayaana keenay xukuumadan maanta jirta oo ah tii ugu wax qabadka badnayd ee dalkan soo marta.

Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye iyo madaxweynaha JSL waa madaxdii ururka SNM, waanay yaqaaniin sida ay wax u dhismaan, iyagaana cid walba isaga lexejeclo badan.