Ugaas Axmed Cali Mahdi Oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Garxajis

54
3980

Hargeysa (Geeska)-Ugaaska guud ee beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), ayaa ka hadlay shirka beelaha garxajis.

Ugaaska guud ee beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Shirka Beelaha Garjaxis uga socda Gacan Libaax, waxaanu tilmaamay inuu Shirkaas uu hambalyeynayo, waxaanu yidhi “Shirkani waa Shir Somaliland, mana ah Shir ka baxsan Somaliland, kama rajo xumi, kamana rajaynayo in wax Somaliland lidi ku ahi ka soo baxo, Shirkani waa Shir caadiya, waa Shir nabadeed, waana hambalyeynayaa, waxaana ku rajo weyn nahay in is afgarad wanaagsani ka soo baxo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here