UEFA Oo Shaacisay Sadexda Xidig Ee Isugu Soo Hadhay Abaalmarinta Xidiga Yurub

Published on Aug 16 2017 // Ciyaaro

UEFA Oo Shaacisay Sadexda Xidig Ee Isugu Soo Hadhay Abaalmarinta Xidiga Yurub

Xidhiidhka kubada cagta qaaradda yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah usoo saaray liiska sadexda musharax ee ugu dambeynta ku tartami doona abaalmarinta xidiga ugu fiican qaaradda yurub ee la bixin doono 24-ka bisha August markaas oo la sameyn doono isku aadka koobka horyaalada yurub ee Champions League.Sadexda xidig ee isugu soo hadhay kuwaas oo codadka ugu badan helay waxey noqdeen Gianluigi Buffon (Italy, Juventus), Lionel Messi (Argentina, Barcelona) iyo Cristiano Ronaldo (Portugal, Real Madrid).
Sadexdaas ciyaartoy waxaa kala bixin doono xeer-beegti laga soo xulay 80-ka kooxood ee ka qeyb galaya wareega group-yada labada koob ee Champions League iyo Europa League oo la raaciyay 55 wariye oo laga soo doortay ururka European Sports Media (ESM) iyadoo ay goob joog ka noqon doonaan ururuada xubno ka tirsan urur walba oo hoos yimaada UEFA.Abaalmarintaan waxaa kaliya ku guuleysta xidigaha ka qeyb gala horyaalada qaaradda yurub iyadoo la tixgelinayo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana abaalmarintaan lasoo bilaabay markii la mideeyay labadii abaalmarin ee FIFA the Best iyo Ballon d’Or kuwaas oo sanadkii hore kala Baxay.

Messi iyo Ronaldo ayaa min laba jeer hore ugu guuleystay, xidiga Barcelona wuxuu hantay 2010/11 iyo 2014/15 halka Ronaldo uu hantay 2013/14, 2015/2016. Sidoo kale Andreas Iniesta ayaa lagu abaalmariyay xilli ciyaareedkii 2011/2012 halka Franck Ribery la siiyay 2012/2013.Sidoo kale waxaa lasoo bandhigi doonaa abaalmarino la siinayo ciyaartoyda ugu wanaagsan boos walba: Goolhayaha ugu wanaagsan, Difaaca ugu wanaagsan, khadka dhexe ugu wanaagsan iyo weeraryahanka ugu wanaagsan waxaana u tartamaya:
Abaalmarinta goolhayaha waxaa u tartami doona: Gianluigi Buffon (Juventus), Manuel Neuer (Bayern Munich), Jan Oblak (AtleticoMadrid).Halka difaaca ay u tartami doonaan: Leonardo Bonucci (Juventus – now AC Milan), Marcelo (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid).Khadka dhexe waxaa ku tartami doona: Casemiro (Real Madrid), Toni Kroos (Real Madrid), Luka Modric (Real Madrid).Dhinaca weerarka waxaa u tartami doona:Paulo Dybala (Juventus), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid).

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!