UCID Oo Shalay Xilal U Magacowday Masuuliyiin Cusub

0
530

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xibiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa magacaabay xoghayaha amniga iyo xoghayaha xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka. Waxaanu masuuliyiinta uu magacaabay guddoomiyuhu uu Alle u waydiiyay in shaqadooda uu u fududeeyo.

Waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed uu guddoomiyahu soo saaray, war saxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee Xoghayaha Amniga & Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka  waxa loo Magacaabay Md.Cabdiwali Xuseen Gaambiye Xoghayaha Amniga ee Xisbiga UCID, iyo Cabdiqani Ibraahin Salaf (Kaptanka) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada & Degmooyinka ee Xisbiga UCID.

Isla markaana waxa la faray Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda bilaabaan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday.Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu  u fuduudeeyo hawsha loo igmaday.”