Ubadka Jiilaalka Dhashaa Waa Ay Ka Fariidnimo Yar Yihiin Kuwa Dhasha Xilliyada Kale Ee Sannadka

0
946

Picture2Washington (Geeska)- Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in carruurta dhalatay xilliga jilaalka ahi ay ka fariidnimo yar yihiin kana caafimaad xun yihiin kuwa dhasha xilliyada kale ee sanadka. Khubaradan oo ku sii talax tagtay ayaa ku dooday in carruurta dhalata xilli jilaalku aanay awoodin inay iska difaacaan dadka ay u shaqeeyaan taasina ay keento in dadka dhasha bilaha jiilaalku mar walba ka maskax hooseeyaan kuwa dhasha xilliyada kale ee sannadka.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka socota jaamacadda Nutradum waxa ay sheegeen inay ku ogaadeen in carruurta dhasha bisha 12aad (December) illaa bisha 2aad (February)  marka ay qaangaadhaan ay inta badan la kulmaan mashaakilaad dhinaca xidhiidhka bulshada ah. Khubarada daraasadda samaysay waxa ay raad raaceen macluumaad hore u jiray oo ay ka heleen waaxda tiro-koobyada iyo shahaadooyinka dhalashada ee dadka dhashay bilaha jiilaalka. Waxa aanay baadheen farqiga u dhexeeya kala duwanaanshiyaha ay suuro gal tahay inuu ku jiro maskaxda iyo garashada ubadka dhasha xilliyada kala duwan ee sannadka.

Daraasaddan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay Majallad uu soo saaro xafiiska baahditaannada wadaniga ah iyo dhaqaalaha ee dalka Maraykanku. Waxa ay tilmaamtay in inta ugu badan ubadka calool gala xilliga xagaaga ee uu heer kulku sarreeyo uu saamayn ku yeesho tirada noolaha manida taasna ay ka dhigto biyaha kuwo tayo badan gaar ahaan marka la barbar dhigo xilli qaboobaha.