Twitter Ka Oo Isticmaalkiisa Loo Fududeeyey Dadka Aan Haysan Internet Xawaarihiisu Sarreeyo

0
645

Washington (Geeska)- Shirkadda Twitter ayaa shaaca ka qaaday in ay soo saartay barnaamijkooda Twitter ka oo ah mid aad u xawaare sarreeya, internet ka uu u baahan yahayna yar yahay, si ay uga faa’idaystaan dadka jooga meelaha internet ku daciifka ku yahay.

Shabakadda Twitter waxa ay sheegtay nuskhaddan cusub oo lagu magacaabo, ‘Lite’ si fudud loogu soo dejisan karo talefannada gacanta. Waxa aanay awood u leedahay in si xawaare sarraysa ah ay u daabacdo faallooyinka la geliyo bogga twitter ka xitaa haddii uu internet ku aad u gaabinayo.

Nuskhaddan lagu magacaabo Twitter Lite ayaa si sahal ah looga soo dejisan karayaa degelka, mobile.Twitter.com, waxa aanay shirkaddu tilmaamtay in ay nuskhaddan (Version)  ugu talogashay suuqyada soo koraya ee Eeshiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika, goobahaas oo internet ku uu weli qiime aad u sarreeya ka joogo.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in Nuskhadda ‘Twitter Lite’ boqolkiiba 30 ka xawaare badan tahay nuskhadda asalka ah ee twitter ka, iyada oo sida oo kalana awood u leh in qofka ay u furto bogga hore iyo farriimaha tooska ah, xitaa marka uu internet ku aadka u daciifka yahay.

Dhinaca kalana shirkadda Twitter ayaa muddooyinkii u dambeeyey bilowday qorshe ay iskaashi kula samaynayso shirkadaha maxalliga ah ee ka jira suuqyada soo koraya ee dunida, si ay mustaqbalka suuqeeda uga faa’idaysato.

Shirkadda Facebook ayaa iyaduna sannadkii 2005-ta soo saartay nuskhad Facebook lite ah oo loogu talo galay isla dadka uu ku culusyahay xawaaraha internet ku.