Tuule Ku Yaalla Turkiga Oo Dadkiisu Muddo 200 Sano Ah Hal Meel Ku Wada Afurayeen Iyo Cidda Kharashka Bixisa

0
592

1Istanbul (Geeska)- Dalka Turkigu waxa uu caan ku yahay caadooyin iyo dhaqanno xiiso badan, gaar ahaan bisha Ramadaanka oo dalkan oo muslim ah lagu yaqaanno dhaqanno fiican, balse qaarkood marka ugu horreysa ee qofku maqlo ay la yaab ku noqdaan. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah caadooyinkaas xiisaha leh oo ka jirta tuule ku dhow magaalada Antalya ee Koonfurta dalka Turkiga. Caadadan oo ku abtirsata ammin hadda laga joogo 200 oo sano, ayaa ah in dadka tuulahan ku nooli dhammaantood ay xilliga Ramadaanta afurka ku wada wada cunaan hal meel oo ah fagaaraha guriga uu deggen yahay guddoomiyaha tuulaha oo lagu magacaabo Qasriga tuulaha.

Warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaysa in Ramadaantan aynu dabayaaqadeedii ku jirno ay iyaga oo dhowraya caadada ay ka dhaxleen awoowyadoo maalin kasta isugu yimaaddaan Qasriga Tuulaha si ay halkaas ugu wadaagaan afurka. Qoyska kasta oo tuulahan deggen waxaa ku waajib ah in maalin ka mid ah bisha Ramadaan uu isagu bixiyo dhammaan kharashka afur wadareedkaas ku baaya, waxaana mamnuuc ah in qoys ka mid ah qoysaska tuulaha deggeni gaarkooda gurigooda ugu afuraan bisha soonka.

Shawkat Yaamaan oo madax u ah haayad samofal oo maalli ah oo ay dadka tuulahani leeyihiin ayaa sheegay in tirada dadka tuulaha deggeni ay tahay 350 ruux, laakiin dad badan oo tuulahan hore u deggenaan jiray balse u guuray magaalooyinka waaweyn ayaa bisha Ramadaan dib ugu soo noqda tuulahan si ay ugu soo xusaan caadadan, uguna soo soomaan jawigan kalgacalka iyo isku duubnida leh.

Hawlaha kale ee jimciyaddan samofal ka qabato tuulaha waxaa ka mid ah in xilliga lagu jiro bisha soonka ay dhalinyarada iyo carrurutaba ku dhiirrigeliyaan soonka iyo weliba ka qaybgalka afur wadareedka, mararka qaarkoodna dadka tuulayaasha kale ee ku dhow ku nool ayaa ay ku casuumaan tuulahooda si ay maalmo ugula qaataan afur wadareedkan.