Turkiga Oo Somaliya U Xiiso Geliyey Xidhiidhka Israa’iil Iyo Sucuudiga Oo Raali Ka Ah

0
497

dddddMuqdisho (Geeska)- Warbixin uu Geeska Afrika soo akhriyey oo jimcihii dorraad ee 8da Julaay lagu daabacay wargeyska Al-Badiil ee ka soo baxa dalka Masar ayaa sheegaytay in uu muddooyinkii u dambeeyeyba Soomaaliya ka socday dhaqdhaqaaq xawaare ku socda oo ku jihaysan sidii xidhiidh diblumaasiyadeed loola yeelan lahaa dawladda Israa’iil. Warbixintu waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqaas oo si aad ah sir looga dhigay ay fashiliyeen qaar ka mid ah warbaahinta Israa’iil oo dadka diblumaasiyadda Israa’iil la socdaa ay sheegayaan in xukuumadda Netanyahu ay si badheedh ah warkan hoos ugu bixisay maadaama oo ay muddooyinkii u dambeeyey oo dhan ku socotay siyaasad cusub oo ah in ay fashiliso oo sheegto xidhiidh kasta oo ay hoos ula yeelato dal Carbeed ama Muslim ah.

Wargeyska Al-Badiil waxa uu sheegay in dhowaan ay kulmeen raysalwasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa xidhiidhkii ugu sarreeyey ee abid dhex mara Israa’iil iyo Soomaaliya oo aan weligeedba aqoonsan jiritaanka dawladda Israa’iil. Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan saddex masuul oo Soomaali ahi ay booqasho qarsoodi ah ku tageen magaalada Tel Aviv ee xarunta Israa’iil, halkaasna kula soo kulmeen masuuliyiin uu ka mid yahay Netanyahu. Iyada oo sida uu wargeyska Time of Israel ka soo xigtay masuul Soomaali ah oo aanu magacaabinna la qorsheeyey in kulan labaad uu labada hoggaamiye ee Israa’iil iyo Soomaaliya dhowaan dhex maro. Horena ay u jireen kulamo heerkoodu kan ka hooseeyo oo dhex maray masuuliyiin Soomaali iyo Yuhuud ah.

Isu soo dhowaanshiyaha Soomaaliya iyo Israa’iil ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalalka Turkiga, Masar iyo Sucuudiguba siyaabo kala duwan oo qaarkood qarsoodi yihiin ugu soo dhowaanayaan Israa’iil. Wargeyska Al-Badiil waxa uu sheegay in xukuumadda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ay xidhiidhka Israa’iil dib u soo celisay, taas oo weji cusub u yeelaysa xidhiidh dhex mara Israa’iil iyo dalalka Muslimka, maadaama oo si ka duwan madaxda dalalkii hore ee Israa’iil xidhiidhka ula samaystay uu Erdogan yahay nin lagu tiriyo dhinaca Islaamiyiinta, taasina ay bilow u noqon karto in hoggaamiyeyaal kale oo dhinaca diinta Islaamka lagu tirinayey ay xidhiidhadan oo kale la yeeshan sida haddaba ka socota Soomaaliya oo uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ku abtirsada mid ka mid ah ururrada Islaami-siyaasiga ahi.

Dhinaca kale wargeyska Al-Badiil waxa uu sheegay in dawladda Sucuudiga oo awood dhaqaale oo badan lihi ay saamayn weyn ku yeelatay siyaasadaha xukuumadda Soomaaliya ka Talisa ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxa aana taas caddayn ugu filan dhukumantiyo qarsoodi ahaa oo ay hore u fashilisay wakaaladda wararka ee Reuters kuwaas oo sheegayey in Sucuudigu uu lacag siiyey dawladda Xasan Sheekh Maxamuud si uu xidhiidhka ugu jaro dawladda Iiraan ee Shiicada ah oo xinfiltan weyn oo siyaasadda gobalka ah kula jirta dalka Sucuudiga ee sunniga ah.

Israa’iil ayaa dhowaan sheegtay in ay xidhiidho hor leh oo cusub, qaarkoodna heer Is-xulafaysi gaadhsiisan yihiin balse weli qarsoodi yihiin la yeelatay dalal badan oo muslimiin Sunniya ha, kuwaas oo u badan kuwa bariga dhexe ee Carabta ah, isla markaana kuwo kale xidhiidho la waddo.

Warar hore u soo baxay ayaa iyaguna sheegaya in dalka Sucuudigu uu wado qorshe uu ku wanaajinayo xidhiidhka diblumaasiga ah ee uu la leeyahya Israa’iil kaas oo dad badani aaminsan yihiin in uu haddaba si qarsoodi ah u jiro, waxa aana la filayaa in isbahaysi dhex mari doono Masar, Turkiga, Sucuudiga iyo Israa’iil.

Xidhiidhka hadda soo baxaya ee Muqdisho la yeelanayso Israa’iil iyada oo la og yahay xidhiidhka aynu soo xusnay ee ay hore ula leedahay Sucuudiguna waxa uu iftiiminayaa in dalka Sucuudigu arrintaas raalli ka yahay, halka dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloolaana ka aaminsan yihiin in Turkigu uu xidhiidhkan hoos u dilaalayo ama ugu yaraan ay dawladda Soomaaliya kaga dayanayso xidhiidhka Israa’iil.