Turkiga Oo Muwaadiniintiisa Ka Caawinaya In Ay Iska Beddelaan Magacyada Aanay Jeclayn

55
5916

Ankara (Geeska)- Dad tiradoodu ka badan tahay 105 oo u dhashay dalka Turkiga ayaa dawladda u gudbiyey codsiyo ay ku doonayaan in laga beddelo magacyadooda hore oo aanay jeclayn. Codsigan ayaa yimi kaddib markii ay dawladdu albaabada u furtay muwaadiniinta jecel in ay ka guuraan magacyadooda hore oo ay u arkaan in aanay u qalmin ama fiicnayn. Waxa aanay dawladdu ka caawinaysaa in ay u beddesho dhukumantiyada kala duwan ee uu magacooda hore ku qornaa.

Jilaa lagu magacaabo Karasa Satlimis oo ka soo jeeda magaalada Istanbuul ayaa yidhi, “Waa aan iska beddelayaa magacayga, mihnaddayda ayaa uu curyaamiyey” Ereyga ‘Satlimis’ macnihiisu waxa uu afsoomaali ku noqonayaa ‘Iib’ taas oo magaciisa ka dhigaysaa, “Karasa waa la iibsaday’.

Karasa oo 35 sano jir ah ayaa khaati ka taagan dadka Turkiga ah ee fahmaya macnaha magaca, oo ka maadsada, waxa aanu sheegay in garanayn sababta uu awoowgii magacan ugu dooray qoyska.

Dadka Turkiga badankoodu waxa ay leeyihiin magacyo qoys oo magacooda koowaad loogu ladho. Waxa aanu dhaqankaasi  bilowday sannadkii 1934 kii, kaddib markii nidaamkii xilligaas dalka ka talinayey ee Mustafe Kamaal Ataturk uu soo saaray nidaam uu sheegay in lagu abuurayo dawlad midaysan. Waxa aana muwaadiniinta lagu qasbay in qof kastaa uu magaciisa saddexaad ka dhigo magac qoyska oo dhami isugu yimaaddaan, taas oo abuuraysay in bulsho aad u badani ay magaca labaad ka midaysnaato. Dad badan ayaa waqtiyadaas la baxay magacyo ay markii dambe u arkeen in ay yihiin kuwo aan macno lahayn.

Dadkaas oo sida Satlimis imika aad u neceb magaca uu qoyskoodu la baxay, waxa kale oo ka mid ah kuwo badan oo markii dambe magacooda u arkay ereyo macno darro ah ama wax laga maadsado. Waxaa ka mid ah dad magacyadoodu yihiin magacyo xayawaan sida ‘Dacawo’, kuwo leh maacyo tilmaameed oo aan fiicnayn sida, ‘Doqon’, ‘Xiniin’ iyo magacyo u eeg kaftan oo ay ka mid yihiin ‘Dawnsuus’ oo afsoomaali ku noqonaya, ‘Qofkii aan dhargashiga hoose xidhan jirin’.

Lama soo koobi karayo magacyada xiisaha iyo maadda leh ee dadka Turkiga ah. Waxaa jira nin qareen ah oo ku nool magaalada Istanbuul, magaciisu waa ‘Jufin Kartol’ ereyga Jufin oo afka Turkiga ahi waxa uu Soomaali ku noqonayaa ‘Kalsooni’ laakiin magaca labaad ee Kartol waxa uu isagu afsoomaali ku noqonayaa ka takhalusid, sidaa awgeed ninkan qareenka ah ee Jufin Kartol, magaciisu waxa uu afsoomaali ku noqonayaa ‘Ka takhalus kalsoonida’.

In badan ayaa ay dadka Turkigu dalbanayeen in isbedellada badan ee lagu sameeyey nidaamkii Ataturk lagu daro, magacyada aanay jeclayn oo laga beddelo. Waxa aanu dalabkoodaasi u dhaboobay dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ee 2017 ka. Kaddib markii ay xukuumaddu soo saartay go’aan ah sannadka 2018 ka la furi doono barnaamij sannadkaas ku koobnaanaya oo diiwaanka qaranka ee madaniga ah u ogolaanaya in uu dadka ka cabanaya magacyadooda u sameeyo magac beddel rasmi ah, sida oo kale dadka magacyadooda uu qalad dhinaca qoraalka ahi ku jiro loo ogolaado in ay saxdaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiguna waxa ay sheegtay in tirada codsiyada ka imanaya dadka doonaya in laga beddelo magacyadu ay sii kordhayso, oo sannadkan 2018 ka oo imika dhammaad ah illaa bilowgiisiina hawsha la soo waday, haddana ay u muuqato in weli dadka doonaya in magacyada laga beddelaa ay aad u badan yihiin.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in qofka doonaya in la saxo magaca ugu qoran shahaadada dhalashada, ama xitaa sixid yar lagu sameeyo, laga rabo in ay maxkamadda ka soo furtaan dacwad oo uu xukun maxkamadeed ku soo baxo wax ka beddelkaas. Laakiin ogolaanshiyahan hadda ee sannadkan oo keliya ku koobani waxa uu muwaadinka u ogolyahay in uu si toos ah u tago xarunta diiwaangelinta madaniga ah ee qaranka, kaddibna magaciisa beddelo ama saxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here