Turkiga Oo Dhaqaalihii Ka Jaray Dawladda Somaliya

0
684

Dawladda Turkiga oo ah taageeraha ugu weyn Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay lacagihii kaalmada ay sida tooska u siin jireen Dowladda Federaalka.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Wakaaladda Reuters u sheegay in lacagaha la siin jiray Dowladda ay joogsadeen dhamaadkii sanadkii 2013. Lacag gaadhaysa $4.5-milyan doolar ayaa Turkiga siin jiray Dowladdaas bil kasta.

Sarkaalka Wasaaradda arrimaha dibadda oo la weydiiyay in ay dib u bilaabi doonaan lacagaha tooska ay siiyaan Dowladda ayaa sheegay in hadda aanu  ajandayaasha ugu jirin.

Wuxuu intaas raaciyey in talaabadan aanay la xidhiidhin eedeymo musuq maasuq ah oo loo soo jeediyey dawladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyihii hore Bankiga dhexe Abdisalaam Cumar ayaa sheegay in bil kasta uu Safaaradda Turkiga ee Muqdisho kasoo qaadi jiray kartoomo ay ku jiraan lacag kaash ah oo dhan $4.5 milyan doolarka Maraykanka oo lagu shubi jiray Bankiga dhexe. Dowladda Somaliya ayaa xilka ka qaaday kadib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago malaayin doolar.

Masuul ka tirsan Dowladda Somaliyaoo magaciisa ka gaabsaday ayaa Reuters u xaqiijiyey joojinta lacagaha tooska ee Turkiga balse uu sheegay in u rajeynaayo in ay dib u bilowdaan sanadkaan.

Tan iyo sanadkii 2011 Turkiga waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay mashaaric horumarineed oo ay ku jiraan dhismayaal Iskuulo, Cisbitaalo, xarumo Dowladeed iyo howlo samafaleed.