Turkiga Oo Ansixiyey Heshiis Ah Iskaashi Milateri Oo Uu La Yeelanayo Dawladda Muqdisho

0
537

Ankara (Geeska)- Wargeyska rasmiga ah ee dawladda Turkiga ayaa salaasadii toddobaadkii hore oo ah maalmo yar ka hor imaanshiyaha uu Erdogan ku yimid Muqdisho waxa ay faafisay heshiis iskaashi oo dhinaca qalabka difaaca iyo saanadda milateriga ah oo ay horraantii sannadkii 2015kii kala saxeexdeen dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya, laakiin hadda uun uu ansixiyey dalka Turkigu.

1

War uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadool ayaa lagu sheegay in heshiiska go’aankan kan lagu ansixiyey ay ka mid tahay diyaarinta aasaaska maaliyadeed, maamul iyo sharci ee iskaashigan, kuwaas oo suurtogelinaya imkaaniyaadka cilmiga ah, kuwa farsamo iyo dhinacyada saanadda milateriga iyo hubka ee labada dhinac iska kaashanayaan. Heshiiskan oo lagu tilmaamay, mid ku dhisan mabda’ ah dheef-wadaag iyo in xuquuqda loo sinnaado, waxaa ujeedadiisa lagu sheegay, horumarinta waxsoosaarka iyo adeegyada difaac, iyo xaqiijinta iyo ka dhabaynta in Iska Kaashiga dhinacyada farsamada iyo loojistikada, si loo xoojiyo awoodaha difaac ee labada dal.

Heshiiskan uu Turkigu dhaqan geliyey waxa uu dawladaha Muqdisho iyo Ankara u diyaarinayaa in ay abuuraan duruufaha ku habboon ee lagu horumarin karo iskaashigooda oo intaas hore uu dheer yahay iskaashi ah dhinaca horumarinta, wax-soo-saarka iyo casriyeynta milateriga.

Sidoo kale waxaa heshiiskan ku jira in ay labada dhinac is-dhaafsadaan wax kala iibsi iyo kala beddeleshada saanadaha iyo qalabka milateri ee dhinac kastaa u arko in aanu markaas u baahnayn oo ay iskaga jiraan kaydka ciidamada, iyada oo sida lagu sheegay heshiiska aan la dhinac marayn xeerarka arrintan ka yaalla, sidoo kale waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in kor loo qaado iskaashiga waaxaha farsamada milateriga, warshadaha iyo shirkadaha sameeya qalabka difaaca, iyo kuwa dayactirka iyo dib uga  shaqaysiinta qalabka xumaada.

Heshiiskan dawladda Turkigu meel marisay, waxaa lagu ballanqaaday in Ankara iyo Muqdisho dhinac kastaa dhinaca kale ku dhiirrigelinayo ka soo qayb galka bandhigyada iyo aqoon-is-weydaarsiyada difaaca ee uu qorshaynayo dhinacaasi. Ugu dambayntiina waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in la sameeyo guddi Turkiga iyo Soomaaliya ka kooban oo ugu yaraan saddexdii sano ee kasta hal mar kulma si ay uga wada xaajoodaan iskaashiga labada dal ee dhinaca warshadaha difaaca.