Trump Oo Faafinaya Siro La Xidhiidha Dilka Hal-Xidhaalaha Noqday Ee Madaxweynihii Maraykanka John F. Kennedy

0
946

Washington (Geeska)- Xukuumadda madaxweynaha Donald Trump ayaa khamiistii dorraad faafisay 2’891 dhukumanti oo xambaarsan xogo la xidhiidha dilka madaxweynihii hore ee Maraykanka John F. Kennedy,  kadib markii muddo tobannaan sano ah ay ahaayeen sir. Laakiin waxa ay xukuumaddu hakisay faafinta dhukumantiyo kale oo lix ah oo isla arrintan la xidhiidha kadib markii la ogaaday in ay ku jiraan xogo aad u xasaasi ahi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Arkiifiyada Qaranka ee dalka Maraykanka ayaa lagu yidhi, “Iyada oo laga duulayo codsi ka yimid laamo ka mid ah xukuumadda iyo hay’adaha wardoonka, waxa uu madaxweynuhu fasaxsay in xogaha la sii daayey qaarkood si ku-meel-gaadh ah dib looga saaro meelihii lagu faafiyey” Wasaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in xogta dib loo celiyey ay tahay mid saamayn xun ku yeelan karta amniga Qaranka ama dhowrsoonaanta nidaamka ama arrimaha dibadda.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa intaas ku daraya in xubno ka tirsan booliiska iyo sirdoonka Maraykanku ay dalbadeen in aan la faafin xogahan wixii la xidhiidha arrimaha amniga Qaranka. Dhinaca kalana masuul ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ogolaaday in xogtaas la hakiyey, laakiin uu caddeeyey in ay tahay kumeelgaadh oo lix biood oo keliya dhinacyadan laga sugayo in ay keenaan sababta ay u dalbadeen in aan xogtan la faafin. “Waxaa jira xogo xasaasi ah, gaar ahaan waxaa ay tahay in aad loo qariyaa waa basaasiinta xogahan soo helay ee magacyadoodu ku dhex jiraan qoraallada la rabo in la faafiyo iyo kaalinta ay dadkaasi ku lahaayeen baadhitaannada” ayaa uu yidhi masuulkani. Waxa se uu sheegay in madaxweynuhu uu rabo in xogta oo dhan si dhaqso ah loo sii daayo. Arrintan waxaa diiddan oo masuuliyiinta guriga cad cadaadis badan ku haya sirdoonka Maraykanka oo sheegaya in dadka waraaqahan sirta ah magacyadooda lagu xusay qaar badan oo ka mid ahi in ay illaa hadda shaqeeyaan, taasina ay khatar ku tahay nabadgelyadooda iyo amniga guud ee shaqada iyo shaaqalaha wakaaladda.

Waxaa la aaminsan yahay in hay’adaha sirdoonnka, dembi baadhista iyo wasaaradda garsoorka ee Maraykanku hayaan ay hayaan qiyaas ah 5 Milyan oo dhukumanti oo la xidhiidha khaarajintii madaxweynahaas.

Dilka John F. Kennedy ayaa isaga oo 46 jir ah magaalada Dallas lagu khaarajiyey 22kii Noofambar 1963 kii, laakiin faahfaahinta dilkiisa iyo natiijada baadhitaannadii kala duwanaa ee lagu sameeyey dhacdadan ayaan marnaba warbaahinta iyo dadka Maraykan loo soo bandhigin, arrintaas oo abuurtay dareen ah in dad badani u qaataan in ay jirto xog muhiim arrintani dabada ku hayso, sheegisteeduna khatar ku noqon karto amniga dalka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa go’aan ku gaadhay in uu xogtaas sirta ahayd muddada dheer isagu fashiliyo, in kasta oo ay isagiina sababo anmniga la xidhiidha loogu diidayo.