“Trump Ayaa Ka Masuul Ah Cimilada Xumaatay Ee Magaalada Moscow!” Waxaa Yidhi, Vladimir Putin

0
553

Moscow (Geeska)- Waxaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u soo baxa hadallada ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanku ku naqdiyayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka baxay heshiiskii uu Maraykanku saxeexay xilligii Obama ee xakamaynta wasakhda warshdaha ee kor ugu baxaysa hawada sare.

Donlad Trump oo shaaciyey in uu ka baxay heshiiskaas caanka ku ah ‘Heshiiska Paris’ ayaa uu Trump ku doodayaa in uu ka hor imanayo danaha dhinaca horumarinta ee dalkiisa.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaleelay go’aan Trump ayaa jimcihii bartiisa Twitter ka ku baahiyey in loo baahan yahay in la sii wanaajiyo heshiiskaas, isaga oo ku dooday in aanay jirin sabab macquul ah oo Maraykanka ku riixi karaysay in uu heshiiskaas ka baxo iyada oo ay furnayd in wada xaajood laga sameeyo heshiiska. Madaxweynaha Ruushka oo hadalkiisan ku daray kaftan uu ugu duruxulayo in heshiiska uu Maraykanku ka baxay sababayso in heerkulku kululaado. Waxa aana ka mid ahaa, “Waa in aynu u mahadnaqno Trumpm, oo hadda iyo wixii ka dambeeya qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo ku saabsan cimilada dunida, xitaa cimilada Moscow ee xumaatay”

Putin oo ka qaybgalayey kulanka guud Petersburg oo xarun u ah Golaha dhaqaalaha adduunka, ayaa waxaa hadalladiisa arrintan khuseeya ka mid ahaa, “Ruushku waxa uu ka biyo diiday heshiiska Paris eek a hortagga isbedelka cimilada, illaa si cad loo xaddiiday waajibaadka dhammaan dalalka heshiiskaas ka qaybgalay ka saaran, lana soo bandhigay seeska lagu qaybinayo ilaha dhaqaala ee kale”