Trump Awoowgii Wuxuu Qortay Codsi Uu Ku Baryayo In Aan La Mustaafurin Laakiin Waa Laga Diiday

0
580

Washington (Geeska)- Mar kasta oo aad dib u daalacato taariikh nololeedka hore ee qoyska uu ka soo jeedo madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, waxa aad jawaabo u helaysaa su'aalaha tirada badan ee la iska weydiiyo sababta uu u neceb yahay soo-galaytiga.

Aabihii waxa uu ahaa soo-galayti ka soo tacaburay dalka Jarmalka; hooyadiina waxa ay ahayd soo-galayti ka timid dalka Slovenia; weliba waxa uu aabihii caan ku ahaa in ganacsiyo uu ka samaystay Maraykanka uu ka shaqaalaysiiyo dadka soo-galaytiga ah. Marka laga hadlayo soo-galaytiga uu ku isir leeyahay Trump iyo heerka uu ka gaadhay dalku waa arrin Maraykanka aan yaab badan ka dhex lahayn, waayo dad badan ayaaba Maraykanka u yaqaanna dalka Soo-galaytigu dhisteen, laakiin waxaa amakaag ah in shakhsi sidaas ahi uu awoodda koowaad ee wax-qabadka xukuumaddiisa ka dhigto in uu mustaafuriyo soo-galaytiga ugu badan ee uu awoodo.

War lagu baahiyey wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee The Guardina oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa sheegaya in Donald Trump awoowgii aabo oo Jarmal ahaa, uu boqorkii ka talinayey boqortooyada Bavaria u qoray warqad uu kaga baryayo in aan dib looga mustaafurin dalka.

Friedrich Trump, oo markii uu dalkiisa ka yimid, soo-galayti ahaan u degey dalka Maraykanka, kana samaystay ganacsiyo dhinaca hudheellada iyo guryaha ah oo uu lacag aad u badan ka helay, waxa uu ku dhashay isir ahaanna ka soo jeeday magaalada Kallstadt oo ka tirsan gobalka Bavaria ee koonfurta dalka Jarmalka oo xilliyadaas ahaa boqortooyo madax bannaan.

Warku waxa uu sheegay in markii uu muddo ku noolaa dalka Jarmalka in uu Freidrich sannadkii 1901-dii dib ugu noqday dalkiisa Bavaria, gaar ahaan magaaladiisii. Waxaa Friedrich wehelinayey xaaskiisa Elisabeth Christ, laakiin markii uu dhowr sano deggenaa magaaladiisa ayaa ay boqortooyada Bavaria soo saartay qoraal rasmi ah oo dalka lagaga mustaafurinayo.

Amarkan ayaa soo baxay markii dawladdu ogaatay in safarkiisii Maraykanka ka hor aanu sii gudan shaqadii qaranka. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ahaa in uu muddo ka tirsanaado ciidamada dalka oo uu qaato tababarrada aasaasiga ah, laakiin taas ma' uu samaynayn Friedrich.

"Muwaadinka Maraykanka ah, ee hadda hawlgabka ah Friedrich Trump, oo deggen Kallstadt, waxaa lagu wargelinayaa in uu ka guuro boqortooyada Bavaria, haddii kale qasab lagaga mustaafurin doono" ayaa uu ahaa ogeysiiska loo soo qoray Friedrich Trump.

Trump awoowgii oo arrintaas aad uga xumaaday ayaa warqad baryo dareen-taabad leh ah u qoray amiirkii xilligaas oo lagu magacaabi jiray Regent Luitpold, waxa uu ku baryootamay, "Amiirkii la jeclaa, sharafta badnaa, caqliga badnaa ee caddaaliga ahaayoow" laakiin codsigaas uu ku doonayey in laga daayo mustafuriska lagama aqbalin oo maxkamadda ayaa diidday.

Go'aankaas maxkamadda kadib ayaa qoyska Trump mustaafuris aan soo noqod lahayn abid lagaga eryey dalka Jarmalka, waxa aanay dib Maraykanka ugu noqdeen sannadkii 1905-tii, markaas oo ay Elisabeth uurka ku sidday madaxweynaha hadda ee Maraykanka aabihii Fred Trump.

warqaddaas waxa uu Friedrich ku yidhi, "Waxa aan ku dhashay Kallstadt, 14kii Maarij 1869kii, waalidkay waxa ay ahaayeen dad dalkooda u daacad ah, oo aan dembi gelin, shaqaale Alle ka baqa oo wanaagsan. waxa ay igu barbaariyeen wanaag, dhaqan diineed oo fiican iyo in aan dugsiga iyo kaniisaddaba si daacad ah u tago.

Sannadkii 1882-kii waxa aan u ku shaqaysan jiray timo-jarenimo, sannadkii 1885-kii aniga oo 16 sano jir ah ayaa aan haajiray. Maraykan markii aan tegey si daacadnimo iyo dadaal leh ayaa aan u shaqaystay, naxariista Ilaah baana ila jirtay oo waxa aan noqday maalqabeen. sannadkii 1892-kii waxa aan helay jinsiyadda Maraykanka, sannadkii 1902-dii waxa aanu is barannay xaaskayga imika. Nasiibdarro waxa ay ku noolaan kari weyday cimiladii New York, kadib aniga iyo qoyskaygu waxa aanu dib ugu soo guurnay Kallstadt.

Magaaladu aad ayaa ay ugu faraxday in ay hesho muwaadin karti badan oo wax-soo-saar leh, hooyaday oo imika da' ahi waxa ay aad ugu faraxday in ay mar kale aragto wiilkeedii, xaaskiisa iyo inantayda ay ayeeyada u tahay, waxa ay maanta ogaatay in ay leedahay cid daryeesha.

laakiin farxaddayadaas oo dhan waxaa mar keliya ka hor yimid, warka aanu ka helany wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada, oo go'aan ku gaadhay in aanu ka guurno deegaankayaga boqortooyada Bavaria, u qaadan waa iyo argagax ayaa nagu dhacay, noloshii farxadda lahayd ee qoyskayaga ayaa khalkhal gashay…."

Donald Trump awoowgii oo warqaddiisa codsiga ah ee uu ku beer laxawsanayey boqorka Bavaria si aan loo mustaafurin, sii wataa waxa uu ku calaacalay in mustaafurintaasi ay ku keenayso dhibaato dhinaca niyadda iyo nafsadda ah iyo khasaare maal labadaba, waxa uu baryey in loo aqoonsado mar labaad in uu yahay muwaadin u dhashay boqortooyada Bavaria. isaga oo sii wata tawaawacsiisana waxa uu ku baryootamay, "Xaaladdan degdegga ah, ma' haysto cid aan miciin bido oo aan ahayn in aan u noqdo boqorkayaga xorta ah, caddaaliga ah, xikmadda badan, sharafta leh ee aanu jecelnahay, Maamulahayaga karaamada badan, boqorka sare, ee cid walba ka sarreeya, ee mar walba ilmada badan u quba naxariista dadkiisa darteed, boqorka xukunkiisa lagu badhaadhay, ee sida cadaaladda, xikmadda, dabacsanaanta, diirranaanta iyo kalgacalka badan noo xukuma, waxa aan maanta u dullaysnay naxariistiisa sare, aniga oo ka maryaya in uu iga aqbalo codsigayga ah in aan sii joogo boqortooyada naxariista badan ee Bavaria"

Dad badan ayaa aaminsan in taariikhdaas xanuunka badan ee dalkiisii hooyo lagaga mustaafuriyey Trump awoowgii ay sabab u tahay nacaybka xad dhaafka ah ee uu u qabo soo-galaytiga iyo weliba jacaylka uu u hamuum qabo in uu dalka ka eryo cid kasta oo sharci ku joogin.