Toddoba Ka Mid Ah Xeeladaha Hoggaamineed Ee Muhiimka Ah Jim Rohn

0
521

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad doonayso in aad noqoto hoggaamiye soo jiita dadka, furaha aad u adeegsan kartaa waa in aad marka hore adiga qudhaadu noqotaa qof shakhsiyaddiisu ay tayo leedahay. Hoggaamiyenimadu waa hadba inta ay le’eg tahay awooddaada soo jiidashada iyo hanashada qofka. oraaguna waxa uu ku tilmaamay caqabadda weyn ee nolosha.

Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay ka hadlaysa in marka hoggaaminta laga hadlayo, waxa ugu muhiimsani uu yahay in qofku uu marka hore naftiisa u diyaariya hoggaamiyenimada lafteeda, taas oo ah habka ugu fiican ee dhammaan hoggaamiyeyaasha magaca leh ay soo mareen.

1. Baro in aad noqoto ruux awood badan, laakiin edeb darrada ka dheeroow: Waa tallaabo dheeraad ah oo ay lagama maarmaan tahay in aad noqoto ruux awood badan, hoggaamiyaha kartida lihina waa ka leh awood uu cid iyo meelo badan ku gaadhi karo. Dadka qaarbaa edeb darrada ku qalda awoodda hoggaamiyuhu in uu muujiyo looga baahan yahay.

2. Is Bar naxariista laakiin daciif ha noqon: Waa in aynaan isku qaldin daciifnimada iyo shakhsiyad liidashada iyo naxariista. Waayo naxariistu ma’aha daciifnimo. Hoggaamiyuhu waa in uu lahaadaa naxariis ku dhiirrigelisa in qofka iyo bulshadaba uu runta u sheego, waayo n uu been u sheegaa waa arxan darro ku jirta iyo luggooyo, waxaa ka mid ah in hoggaamiyuhu uu dadka iyo qofkaba ka ilaaliyo in uu u sawiro malo-awaal iyo hummaag aanu ku guulaysan karin rumayntiisa.

3. Baro ku dhaca, laakiin iska jir indho-adayga: In hoggaamiyuhu uu yeesho ku dhac iyo dhiirranaan waa mid ka mid ah furayaasha guusha u horseeda hawlihiisa, hoggaamiyuhu waa in uu dhisaa awoodda saamayneed ee uu leeyahay, waa in uu si isku kalsoonaan ah isagu geeddiga hoggaamiyaa oo isu dhigaa hormuud hor-socda bulshada, waa in uu u diyaarsanaadaa in uu leebka koowaad ee lagu soo gano kooxdiisa isagu gacanta u dhigto, noqdana qofka dhibta koowaad raadsanaya, calaamadaha ugu horreeya ee mushkiladana garan kara. Waa sida beerwalaha, haddii uu doonayo in uu dheefshado dalagga uu beerto, waa in uu noqdaa ruux dhiirran oo waajihi kara hawsha ka horreysa.

4. Baro in aad noqoto ruux is-dhul-dhiga, laakiin iska jir khajilaadda: Qof khajilaad badani meel sare ma gaadhi karo. Dadka qaarkood ayaa isku qalda is-dhul-dhigga iyo khajilaadda. Laakiin runtu waa ay tahay in is-dhul-dhiggu uu sharaf yahay, khajilaadduna cudur.

Khajilaaddu waa xanuun la daweyn karo, laakiin waa dhibaato. Laakiin Is-dhul-dhiggu waa arrin ruuxi ah, waa shucuur baraarujinaysa bani’aadamnimada iyo ruuxda, waa faham inta tusaya in uu jiro wax ka duwan masraxiyadda aadamaha iyo nolosha inteeda kale oo dhan. Is-dhul-dhiggu waa soo gaabinta masaafada u dhexeysa innaga iyo xiddigaha.

5. Baro in aad qab yeelato laakiin ha noqon Kibraani: Waa han iyo sharaf in aad dhisto himilo aad hiigsato, waxa ay wanaag u tahay bulshadaada, waa han iyo qab in aad dhamaystiro waajibkaaga, waa hanka umaddaada. Furaha ugu muhiimsan ee hoggaamiyenimadu waa in aad noqoto ruux han leh oo haddana aan haddana kibir lahayn. Kibirka kiisa ugu xumina waa ka qofka jaahilka ahi ku dhaqmo, waa arrin aan loo dul qaadan karin. Waa ay kala dhib badan yihiin qofka kibirkiisa ay weheliso fariidnimo iyo garasho badnaan iyo ruuxa jaahilnimo hoggaaminayso kibirkiisa.

6. Kaftan iyo furfurnaan aanay cali xumo iyo doqonniimo wehelin: Hoggaamiyenimadu kama maaranto kaftan aqoonnimo laakiin aanay doqonniimo wehelin. Furfurnaan laakiin aanay maangaabnimo iyo doqonniimo ka muuqan.

7. Hoggaamiyuhu waa kii runta waajaha: Runta iyo waaqaa la macaamil, naftaadana ka badbaadi, cadaabta khayaaliga iyo malo-awaalka. Waxa ugu muhiimsan ee hoggaamiye looga baahan yahay waa in uu noloshu sida ay tahay u waajaho, iska ilaaliyo in uu hoggaamintiisa ku dhiso khayaali iyo masraxiyadda nolosha aadamaha iskaga badan.

Ugu dambayntii qoraagu waxa uu qormadiisa ku soo koobay, “Noloshu waa madi, hoggaamintuna waa madi, xirfadda iyo xeeladda si fiican ugu shaqaysa hoggaamiye ayaa laga yaabaa in ay mid kale u shaqayn weydo. Si kastaba ha ahaato ee xirfadda aasaasiga ah ee hoggaamintu waa mid la baran karo laguna dhaqmi karo oo qof kastaa uu mari karo, bulshada dhexdeeda iyo gurigaba.