Tirada Qaxoontiga Ka Cararaya Dagaalada Somaliya Oo Sare U Kacday

0
994

 

UNHCRHay’addaha samafalka ee QM ayaa sheegay inay sii kordhayaan tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee kacararaya dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda oo ay taageerayaan ciidamada Midowga Afrika iyo Al-Shabaab.

 

Hay’adda QM qaxootiga caalamka ee UNHCR ayaa sheegtay in 117,497-qof oo Soomaali ah inay ka gudbeen xadka Soomaliya uu la wadaago dalka Itoobiya,kuwaasi oo 31,000-oo ka mid ah ay galeen dalka Itoobiya mudo laga joogo shan bilood iyagoo ka cararaya abaaraha iyo colaada ka jirta qaybo ka mid ah dalka.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in maalinkasta 1,300-oo qof Soomaliyeed oo ugu yaraan 800-oo ka mid ah ay yihiin carruur inay gaadhaan xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,waxaana ay intaasi ku dartay in dadkani yihin kuwa safar qaata muddo bil ah ku gala dalka Kenya iyagoo lugaynaya.

Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay laba milyan iyo badh qof ah inay saameysay abaaraha Soomaaliya,waxaana intaasi ay ku dartay in kala bar dadkaasi oo ku dhaqan goobaha ay maamulaan ururka Al-Shabaab oo hore hay’adaha samafalka uga mamnuucay inay ka howlgalaan goobaha ay ka taliyaan.

Si kastaba qaylo dhaanta ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolada dalka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ka dhashay dagaalada ka socda goobahaasi,taasi oo keentay inay barakacaan dad badan.