Tirada Dhimashada Ganacsato Jaadlayaal Reer Somaliland Ah Oo Lagu Dilay Haawaday Oo Isa Soo Taraysa

0
895

Hargeysa(Geeska)-Ganacsato jaadlayaal ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuna sugnaa deegaanka qaadka ee Haawaday ee dalka Itoobiya, ayaa halkaas lagu laayay.

Wararka ka imanaya Haawaday ee soo gaadhaya qoysaska ganacsatadan oo degen Hargeysa iyo Borama, ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo ka soo jeeda bulshada Oromada ee Itoobiya ay laayeen ganacsatadan oo la sheegay inay ku laayeen deegaano kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in ragga ganacsatada ah ee Oromadu laysay ay gaadhayaan 17 nin oo ka soo jeeda Somaliland, waxaana sababta loo laayay lala xidhiidhinayaa is-maandhaaf u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale 13 nin oo kale oo iyaguna ka soo jeeda Soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ah dadka la laayay.

Qoysas badan oo degen Borama ayaa shalay guryahooda la soo gaadhsiiyay farriimo xaqiijiyanaya geerida eheladooda oo halkaas u joogay hawlo ganacsiga qaadka ah. Jaadka ayaan shalay iman magaalooyinka Somaliland sababahaas darteed.

Geesta kale laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa shalay baahisay in ugu yaraan labo qof ay ku dhinteen  in ka badan 600 oo qof oo kalena  ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya.

Warku wuxuu intaas ku daray in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaadhi la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka. Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.