Tiknoolajiyadda Iyo Siyaasadda: Sawirrada Qofku Iska Qaado Ee Selfie Oo Loo Adeegsanayo Dibad Bax

0
951

Nawakshot (Geeska)- In la iska qaado sawir nooca Selfie ah iyada oo qofku uu suulka hoos u jeedinayo si uu u muujiyo calaamadda nacayb ama diidmo ayaa noqotay hannaan cusub oo ay dad reer Muriteeniya ah ku cabbirayaan diidmada ay diiddan yihiin qorshe ay dawladdu doonayso in ay dastuurka wax-ka-beddel ku samayso, kadibna bisha soo socda afti dadweyne loo qaado.

Noocan cusub ee dibad baxa ah waxaa hindisay Cabdiraxmaan Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo arrimaha siyaasadda aad ugu dhaqdhaqaaqa dalkaas, waxa aanu baraha bulshadu ku kulanto ee internet ka ku faafiyey sawirro uu isagu iska qaaday isaga oo suulka foorarinaya. Durbadiiba dad aad u tiro badan ayaa fikirkii la qaatay Cabdiraxmaan waxa aana baraha bulshada ee ay isticmaalaan dadka reer Muriteeniya buuxiyey sawirro dad kala duwan oo suulka foorariyey, kadib markii qof kastaa uu sawirkiisa oo qaabkaas ah soo dhigtay bartiisa facebook ama twitter ka. Waxa aana sawirrada qof kastaa uu raacinayaa hal-ku-dhegga dibad baxa waxa loo yaqaanno ‘Hashtag’ macnihiisu yahay, #Selfie-yada diidmada wax-ka-beddelka”

Tan iyo markii bilo ka hor dawladdu ay ku dhawaaqday in ay damacsantahay wax-ka-beddelka distoorka oo afti dadweyne la gelin doono maanta oo sabti ah waxaa dalka Muriteeniya ka bilowday ol’oleyaal iska soo horjeeda oo mucaaradka iyo muxaafadka dalkaasi ku muujinayaan diidmada wax-ka-beddelka dastuurka iyo soo dhoweyntiisa, sida ay u kala horreeyaan. Qodobbada ugu waaweyn ee ku jira wax-ka-beddelka ay xukuumadda dalakasi dalbanayso in dastuurka lagu sameeyo waxaa ka mid ah, ‘In la baabi’iyo labada aqal ee baarlamaanka mid ahaan iyo in dastuurka iyo heesta qaranka wax laga beddelo’