Tiknoolajiyadda Iyo Jacaylka: Adeeg Cusub Oo Qofka Ka Caawinaya In Uu Helo Mataanka Uu Baadi Goobayo

0
737

Dubai (Geeska)- Hore ayaa loo qirsanaa in barkulannada bulsho ee internet ka iyo guud ahaan qalabka Tiknoolajiyadda ee talefannadu ka mid yihiin ay kaalin weyn ka qaateen tirtiridda boholyowgii dadka kala maqani isu qabi jireen iyo xiisihii ay u qabi jireen in ay xidhiidhaan, waxa ay sidoo kale meesha ka saareen runnimadii kalgacalka labada qof u dhexeeya. Taas oo sababtay in ay abuurmaan mawjado cusub oo ah barnaamijyo dadka xidhiidhka jacayl ka dhexeeyo iyo kuwa hadda haasaawaha isu baranayaba ka caawiya in ay xidhiidhaan, si raadadka xun ee xidhiidhka baraha bulshada loo yareeyana waxa ay ku dhiirrigeliyaan lammaanayaashu in ay si toos ah u xidhiidhaan ama u kulmaan.

Mawjaddan ayaa waxaa ku soo biiray barnaamij lagu magacaabo HOTLINE oo toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay magaalada New York ee dalka Maraykanka, kaas oo higsigiisu yahay in uu dib u soo celiyo qaab-xidhiidhkii asalka ahaa ee dadka, gaar ahaan kuwa soo celiyo asalnimada xidhiidhiidhkii ballamaha ee hore dadka haasaawaa ugu kulmi jireen.

Shardiga koowaad ee barnaamijka HOTLINE dhigayo ayaa ah in labada dhinac aanay xidhiidhi karin illaa marka hore ay labadooda khad ama akoon isku xidhmaan oo mid kastaa uu kan kale aqbalo in uu la xidhiidho. Sam Plantain oo ah ninka barnaamijkan cusub sameeyey ayaa sheegay in u usidaa u yeelay si labada qof isu soo dhowaanshiyahoodu u noqdo mid dadka kale ee sida guud isaga xidhiidha ay isaga dhow yihiin oo toos ah.

Sida oo kale barnaamijkani waxa uu labada qof fursad u siinayaa in ay cod ku wada xidhiidhi karaan sida talefanka.

Barnaamijkan ayaa loogu talogalay in si xidhiidhka labada qof uu muhiim ugu muuqdo ay qof kasta oo talefankiisa ku soo dejista ku waajibayso in uu bil kasta bixiyo 9 doolar oo haddii aanu bixin uu barnaamijku iska xidhayo. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in barnaamijkani si uu uga hortago in hal mar qofku dhowr qof xidhiidhkaas dhow la sameeyo, aanu barnaamijku ogolaanayn in qofku uu barnaamijka kala xidhiidho waxw ka badan saddex qof, taas oo uu kaga duwanahay barnamaijyada kale ee isla mawduucan ka shaqeeya.