Telesom Oo Lacag Ugu Deeqday Dhismaha Waddooyinka Dalka

0
482

Hargeysa(Geeska)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa bisha June 2016 waxay $46,000 ugu deeqday mashaariicda horumarinta wadooyinka ee dalka ka socday. Shirkadda ayaa deeqahan ku wareejisay guddiyadda horumarinta wadooyinka.

waddada_maroodijeex_Togdheer

Shirkadda Telesom ayaa $20,000 ugu deeqday waddada isku xidhaysa magaaladda Boorama iyo deegaanka Xeego, deeqdan oo shirkadda Telesom ku wareejisay guddida dhismaha waddada.

Ugu horayn Agaasimaha Arimaha Horumarinta bulshadda ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax ayaa ku wareejiyey lacagtaasi guddida waddada, munaasibadan oo ka qabsoontay xarunta guud ee shirkadda Telesom, waxaana  ka soo qayb-galay wasiirka waxbarashadda Somaliland md. Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo masuul kale.

Suldaan Dhawal oo ka gudoomay shirkadda Telesom lacagta deeqda Waddada Boorama iyo Xeego ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqdan ay shirkaddu kaga qayb-qaadatay waddadan, waxaanu shirkadda Telesom ku amaanay taageeradda joogtadda ah ee ay u fidiso bulshadadeeda.

Shirkadda Telesom ayaa deeq lacageed oo dhamayd $6,000 ku wareejisay guddida horumarinta degmadda 26-ka June ee magaalada Hargeysa. Lacagtan oo ay shirkaddu kaga qayb-qaadatay waddo 2 Kilimitir ah oo laga dhisaayo Waqooyiga magaaladda Hargeysa.  Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ka hadlay munaasibadan shirkaddu lacagta ku wareejinaysay guddida ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay markastaba si weyn oo mugleh uga qayb-qaadato arimaha horumarinta bulshadda ee kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha wadooyinka, dugsiyadda iyo jaamacadaha waxbarashdda, cusbitaaladda iyo arimaha danta guud ah.

Xaaji Cabdilaahi Baaruud oo ka mid ah guddida xaafadda ayaa  shirkadda Telesom ka gudoomay lacagtan deeqda ah oo dhamayd $6,000. Waxaanu shirkadda uga mahadnaqay taakulaynta arimaha bulshadda ee shirkaddu markastaba kaalinta koowaad ka qaadato, waxaanu sheegay in shirkaddu ay markastaba si joogta ah uga qayb-qaadato arimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Agaasimaha Horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax ayaa $20,000 ku wareejiyey guddida dhismaha Waddada isku xidhaysa goboladda Maroodi-jeex, Togdheer iyo Daadh-madheed, waddadan oo dhawaan madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo uu dhagax dhigay.  Md. Cabdiwahaab Maax ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta firfircoon ee shirkadda Telesom had iyo goor ka ciyaarto horumarint kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo arimaha horumarinta bulshadda.

Ugu dambayn waxaa shirkadda Telesom si weyn mahadnaq iyo amaan ugu soo jeediyey xubno ka mid ah guddida dhismaha Waddada isku xidhaysa goboladda Maroodi-jeex, Togdheer iyo Daadh-madheed kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen Geele, Suldaan Cabdiraxmaan Aw-good, Cali Fayr Muuse Maxamed Axmed iyo Eng. Cabdishakuur Aw-raali, waxaanay sheegeen in shirkadda Telesom ay noqotay shirkaddii koowaad ee taageero dhaqaale ugu deeqdan waddadan sidoo kalena ay Telesom soo ajiibtay martiqaadkii xafladda dhagax-dhiga  waddada.

Guddida ayaa sidoo kale baaq u diray shirkaddaha waaweyn ee dalka ka hawl-gala waxaanay sheegay in mashruuca waddadani uu yahay mid weyn oo ah kii ay dawladdaha waaweyni ka shaqayn jireen, sidaasi daraadeed waxay ganacasatadda waaweyn ka dalbadeen inay si gacan furnaan ah uga qayb-qaataaan dhismaha waddadan.