Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Maraysa Meel Adag Iyo Liiska Xidigaha Loolanka Adagi Ka Dhexeeyo

48
12924

Tartanka adag ee loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub ayaa maraysa meel aad iyo aad u xiiso badan waxaana jira xidigo badan oo rajo ka qaba in ay xili ciyaareedkan ku guulaysan karaan. Waxaana xiisahan cusub sii abuuray saddex xidig oo todobaadkan min afar gool ka dhaliyay horyaalada ay dhex taal kabta dahabka ah ee Golden Boot.Laakiin tirada kulamada ay ciyaartoyda abaal marintan ku tartamayaa soo ciyaareen ayaa kala duwan taas oo sabab u noqon karta in qaar ka mid ahi ay seegaan ku guulaysiga kabta dahabka ah ee Yurub halka kuwo kale ay siin karto fursad kale oo ay ku sii dagaalami karaan.Aan ku bilownee mucjisada xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa calanka u qabtay tartanka gool dhalinta Yurub ee kabta dahabka ah kadib markii uu afar gool ka dhaliyay kulankii Watford wuxuuna hadda si cad ugu muuqdaa mid jeebka danbe ku riday kabta dahabka ah ee Premier League isla markaana hadda ku tartamaya Golden Bootka Yurub.Mohamed Salah ayaa haysta 28 gool oo Premier league ah taas oo la micno ah in uu kabta dahabka ah ee Yurub ku hogaaminayo 56 dhibcood. Mohamed Salah ayaa haysta 8 kulan oo Premier League ah oo uu kabta dahabka ah ee Yurub uu ugu guulaysan karo.Kaalinta labaad waxaa ku jira Lionel Messi oo ilaa hadda Barcelona u soo dhaliyay 25 gool kaas oo haysta 50 dhibcood isla markaana Salah 3 gool iyo 6 dhibcood ka hooseeya. Laakiin Lionel Messi oo ah xidiga difaacanaya kabta dahabka ah ee Yurub ayaa haysta 9 kulan oo uu tartankan ugu guulaysan karo.Kaalinta saddexaad waxaa jira xidiga kooxda Tottenham ee Harry Kane, Edinson Cavani oo PSG ka tirsan iyo Ciro Immobile oo Lazio u ciyaara waxayna dhamaantood leeyihiin min 24 gool oo horyaalka ah iyo 48 dhibcood laakiin Harry Kane waxaa la degay dhaawaca uu ku maqan yahay waxaana la filayaa in aanu tartankan qayb ka sii ahaan karin.Cavani waxa uu haystaa 7 kulan oo kaliya halka xidiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile uu sida Messi haysto 9 kuklan oo gool dhalintiisa sare ugu sii qaadi karo. Lewandowski ayaa 23 gool iyo 46 dhibcood haysta halka Ronaldo  kadib afartii gool ee Girona uu yeeshay 22 gool iyo 44 dhibcood waxaana ku sii xiga Suarez oo haysta 21 gool iyo 42 dhibcood.

 

Haddaba halkan si buuxda ugaga Bogo Liiska Xidigaha Ku Dagaalamaya Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub:

 

  1. Mohamed Salah (Liverpool): 56 Dhibcood (28 Gool)
  2. Lionel Messi (FC Barcelona): 50 Dhibcood (25 Gool)
  3. Harry Kane (Tottenham): 48 Dhibcood (24 Gool)
  4. Edinson Cavani (PSG): 48 Dhibcood (24 Gool)
  5. Ciro Immobile (Lazio): 48 Dhibcood (24 Gool)
  6. Jonas (Benfica): 46,5 Dhibcood(31Gool)
  7. Lewandowski (Bayern Munich): 46 Dhibcood (23 Gool)
  8. Mouro Icardi (Inter de Milán): 44 Dhibcood (22 Gool)
  9. Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 44 Dhibcood (22 Gool)
  10. Luis Suárez (FC Barcelona): 42 Dhibcood (21 Gool).

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here