Tartanka Dhalinyarta Cuslaatay: Kooxda Goljanno Oo Ka Guuleysatay Kooxda Telesom Una Baxday Kulanka Finalka

0
946

Picture1Kooxda Goljanno ayaa u baxday kulanka Finalka ka dib markii ay maalintii shalay rigoorayaal kaga guuleysatay kooxda Telesom iyadoo labada kooxoodba isla dhaafi waayay bar-bar dhac goolal la’aan ah.

Kulankii shalay oo ay daawashadeeda ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro baddan ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta gacan sareeyay kooxda Goljanno iyagoo fursado dhawr ah oo goolal noqon karayay iska khasaariyay, inkasta oo kooxda Telesom ay iyada qudheedu la timid fursado aan badnayn. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bar dhac 0-0 ah, ka dib markii garoonka la iskugu soo noqday ayaa kooxda Telesom la soo gashay dar-dar xoogan iyadoo la odhan karayay qeybtii dambe iyadaa la wareegtay ciyaarta. Sidii qeybtii hore oo kale ayaa labada kooxoodba ay la yimaadeen fursado laakiin kooxina kama ay faa’idaysan, waxaana ciyaartii ay ku soo gaba-gabawday bar-bar dhac goolal la’aan ah.

Waxaa loo dhigay rigoorayaal (Penalties) waxaana kooxda Goljanno ay aakhirkii guushu ku raacday 3-2. Guushan ay gaadhay kooxda Goljanno ayaa ka dhigan inay u baxdo kulanka ugu Finalka, waxaana ay sugi doonta labada kooxood ee Al Fatxi Super Market iyo Jig-jiga yar midkii soo badiyay oo wada ciyaari doonaa toddobaadka dambe maalinta Jicmaha haddii Alle idmo. Kulankii shalay ayaa ahaa kulan aad u xiiso baddnaa oo aanay labada kooxoodba waxba isla hadhin, iyadoo dadweyne aad u baddan ay ka soo qeyb galeen.