Talyanle Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Khaatumo Iyo Somaliland

0
573

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), sidoo kalena ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay shirkii dhawaan dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee lagu soo gunaanaday shirarkii dhawrka ahaa ee dhexmaray, waxaanu sheegay inuu taageersan yahay shirkan iyo qodobadii ka soo baxay, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in la is fahmo, waxaanu sheegay in shirkani uu yahay guul Somaliland u soo korodhay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi“Shirkaas iyo qodobadii ka soo baxay aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, in badan ay Somaliland sugaysay inay dadkeeda midayso, waa guul inoo soo korodhay in Cali Khaliif Galaydh isagoo Raggiisi wata uu joogo Hargeysa, go’aanada wax ku oolka ah ee dhaxal galka ahna ay kala saxeexdeen Jamhuuriyada Somaliland,Shirka loo balansan yahay in bisha todobaad Burco lagu qabtana diyaar baanu u nahay waana soo dhaweeynaynaa, Somaliland waa cusub baa u baryey, in Bari ilaa Galbeed la midoobo oo Somaliland oo isku ijtihaada oo mawqif isku mida la wada qaato oo dalka la wada dhisto, waa wax lagu farxo, ILLAAHAYNA waanu ugu mahadnaqaynaa”.