Talyanle Oo Ku Baaqay In Cadaalad Lagu Qaybiyo Qaadhaanka La Ururiyay

0
613

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle),oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida Joogtada ah, sidoo kalena ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay nidaamka loo bedelay Xuska 18-may, waxaanu sheegay inuu ahaa qorshe iyo nidaam aad u fiican, waxaanu ku taliyey in si fiican oo cadaaladi ku jirto loo maamulo kharaashadkii lagu tabarucay, ee loogu tagalay in dadka ay abaartu waxyeelada u geystay lagu caawiyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle),oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In dadka dhibaataysan ee abaartu waxyeelada u geystay la caawiyo, oo wax la taro, waa khayr iyo wanaag, aadna waxaan Madaxweynaha ugu bogaadinayaa in munaasibadihii xuska 18-may loo qaban jiray, doorkan in laga dhigo in dadka abaartu sameeysay loo sameeyo caawinta iyo taakulaynta waxaana sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa cid walba oo iyadu wax ku tartay gacana ka geystay gurmadka dadka ay abaartu waxyeelaysay, sida Ganacsatada, Shirkadaha, Ururada iyo cid walba oo haba yaraate wax ku bixisay, waxaan se ku talinayaa in si fiican oo cadaaladi ku jirto loo maamulo kharashaadka loogu tagalay in dadka abaartu wax yeelada ku geystay in lagu caawiyo, oo sida ay dadku u kala liitan wax ha loo siiyo”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku bogaadiyey xuska 18-may, waxaanu sidoo kale ku taliyey madaama bishii Ramaadan soo galayso, in dadka ay is cafiyaan oo ay isa samaaxan, oo ay isku gargaaran.