“Talyanle Ayaa Ah Guddoomiyaha Xaqa Ah Ee Golaha Wakiilada”

0
933

Xildhibaan Cabdiraxmaan-xoog

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Yoonis (Xildhibaan Xoog), kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka ka aloosan Golaha Wakiilada, ee salka ku haya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, oo uu sheegay in Guddoomiyaha saxda ah ee Goluhu uu yahay Cabdiraxmaan Talyanle, madaama uu xusay in 39 Xildhibaan ay codkooda siiyeen, halka uu tilmaamay in 38 Xildhibaana codkooda siiyeen Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Yoonis (Xildhibaan Xoog), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlaya Xildhibaanada Kulmiye ka baxay, iyo xadhiga Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Golihii ciidan baa qabsaday, laguma shaqayn karo inta uu ciidanku sidaas u joogo, waxaana nin xabsi ku shaqaynaya oo kale, in Ciidamaduna meesha qabsadaan Xildhibaanadu ma aaminayaan, sababtoo ah Xildhibaankiiba waa tii la xidhay, marka Baashe Maxamed Faarax, oo 38 Xildhibaan doorteen, Xildhibaankii sharciga ahaa ee Cabdiraxmaan Talyanle oo 39 Xildhibaan doorteen, ayuu Baashe ciidan isku xeeray, oo qasab buu meesha ku fadhiya,markaas arinkaasi arin suurtagalaya maaha, arin Barlamaan iskugu imanayo maaha, cawaaqib xumada meeshaas ka dhacdayna wax aka masuul ah Xukuumadda, marka anaga Barlamaan ahaan ha la isku kaaya daayo”

Mar uu ka hadlaayey Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog xadhigii Saleebaan Cali Koore ayaa yidhi “Laba nin oo Kulmiye ah, oo reer Sool ah, oo ilmaadeera, oo Xisbiga Kulmiye guddihiisa ku tartamay, oo sidii cadaada u ahayd Kulmiye, ee Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Kijaandhe looga reebay Muuse Biixi, ayaa Saleebaan Cali Koorena Baashe looga reebay, marka wax Kulmiye dhexdiisa yaala in lagu eedayo Waddani waa waxa dadka sii kala fogaynaya, haddii uu Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, uu sii joogi lahaa Kulmiyena waxa la odhan lahaa ku daba fayl Baashe, in Xildhibaan xasaanad leh la xidho sharci maaha meeshana kuma jirto, Xukuumadda kulmiye waa arin caado u ah in la xidho Xildhibaan xasaanad leh, Xukuumaddana wey qawracday Dimuqraadiyadii Somaliland, oo Xildhibaan xasaanad leh ayaa la xidhayaa, marka anagu Golaha ugu iman mayno Guddoomiyahaygii xaqa ahaa waanu haysanaa, 39 Xildhibaan ayaanu nahay, ee Guddoomiyahayaga xaqa ahi waa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, oo 39 Xildhibaan baa cod aqlabiyad ah ku doortay, ee Xukuumaddani waxay doonaysaa in dalkani laba Barlaaman yeesho”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaanada Kulmiye ee iska casilay xubinimadii iyo golaha dhexe ee Kulmiye, waxaana tilmaamay inay ku saxsan yihiin, madaama uu sheegay in codkoodii lagu xad gudbay, waxa kale oo uu sheegay inay hayaan caddaymo dhamaystiran oo ay ku caddaynayaan in Cabdiraxmaan Talyanle uu ku  guulaystay xilka Guddoomiye ee Golaha Wakiilada, isla markaana aanay yeelaynin in Baashe Maxamed Faarax uu Guddoomiye ka noqdo Golaha isagoo laga guulaystay.