Talooyin Xikmad Badani Ku Duugan Tahay Oo Uu Aabo Siiyey Wiilkiisii Oo U Sheegay In Uu Muslimayo

0
1915

Hargeysa (Geeska)- Qisadan waxa laga soo tebiyaa Xajjaar Binu Abxar oo ahaa nin Carbeed oo aad u xikmad badan. Xajjaar oo marka hore ahaan jiray Kiristaan ayaa xiiseeyey inuu qaato diinta Islaamka. Inta uu aabihii u yimi ayuu ku yidhi, "Aabo, waxa aan arkay rag aan ii dhigmin sharaf ahaan oo ixtiraamka ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiinna iga badan yahay, xataa iyada oo ay ku jiraan kuwo ka dhashay beelo beesheena aad uga laan gaanbsan, oo markii ay Islaamka galeen noqday dad sharaf leh, dadkiina ku dhex yeeshay sharaf, sidaa awgeed waxa aan kaa codsanayaa inaad ii fasaxdo gelista Islaamka.

Xajjaar aabihii, waxa uu ku jawaabay, "Inankaygiiyoow, Haddii aad go'aan kama dambays ah ku gaadho inaad diinta Islaamka gasho, waxa aan kugula talinayaa in aanad iga deg-degin ee aad ii sheegto si aan kuugu tago Cumar (Cumar Ibnu Khaddaab oo markaa Ahaa Amiirka Muslimiinta) oo aan kugu ballamiyo, haddii ay kaa go'antay in aad hadda fuliso go'aankaasna iga qaado taladan oo si fiican u dhuux, 'Waxa aan kaaga digayaa adiga oo hiigsi fog leh in aad meel soke ku mashquusho. (Waxa lagu sheegaa in uu kula talinayo inaanu damac yaraan ee uu hiigsado meel durugsan iyo sidii uu uga mid noqon lahaa hoggaamiyeyaasha Muslimiinta, isla markaana aanu hiigsigiisaa kaga mashquuli dano gaara iyo hiigsi dhow), waxa aan kaaga digayaa daalka, haddii aad daasho raggu cidhibta dambe ayey kugu sii riixayaan oo dhaqan uma laha in ay gacanta isa soo qabtaan. Waxa aan kugula talinayaa, haddii aad magaalo tagto inaad saaxiibbada badsato, waayo markaas ayuun baa aad ka adkaan kartaa cadawga. Marka aad booqato nin masuul ah ee aad kadinkiisa timaaddo, weligaa ha la murmin ninka gaadhka ah iyo waardiyaha albaabkiisa, waayo dhibta ugu fudud ee kaa soo gaadhaa waa in uu kugu yidhaahdo erey uu kugu caayayo oo naanays kuu noqdo, dadkuna kugu wada sheegaan.

Haddii aad timaado gole uu fadhiyo Amiirku, waxa aad golaha ka dhex raadsataa meel u qalanta martabaddaada, (Waxa lagu sharraxay in tusaale ahaan adiga oo dadka golaha fadhiya ugu yar ama meeqaam hooseeya inaad soo socoto si aad u dhinac fadhiisato amiirka ama adiga oo dadka golaha fadhiya ka wada meeqaam sarreeya, kana ixtiraam badan inaad halka kabaha la dhigayo fadhiisato ama meesha ugu liidata aad tagto). Haddii aad amiirka meel fadhiisinayso ha fadhiisin meel aan xiisaynayn. Aabo waxa aan kaaga digayaa khudbad badnida, ha isku deyin in aad fagaare kasta ka hadasho, waxa aanad ogaataa in fagaare ka hadalku yahay halka ugu badan ee qaladka qofka lagu dareemo, hadal badniduna waa furaha dhac-dhaca iyo gefka.

Aabbo ha noqon nin macaan yaan lagu wada muudin ee, hana noqon nin qadhaadh yaan lagu wada tufin. Waxa aad ogaataa in ninka rag ugu wanaagsani yahay ka marka ay runtu timaaddo u dhabar adayga, xurmadana dhawra.