Talooyin Qaldan Oo Dadka Miisaanka Dhimayaa Ku Dagmaan Iyo Sababta Aanay Faa’iido Uga Helin (2)

38
3125

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, oo ka warramaysay qaar ka mid ah talooyinka dhimista miisaanka iyo qaar ka mid ah talooyinka laga bixiyo oo cilmi ahaan la xaqiijiyey in aanay waxba ka tarayn dhimista miisaanka, halka qaarkoodna ay xaalkaba uga sii daraan.

  1. Maxaa ka jira in ay fiican tahay in saacad go’an; sida 5 ta galabnimo ama 8 da fiidnimo cuntada la joojiyo?

Xogaha qaldan ee dad badani ka aaminsan yihiin ama ka sheegaan dhimista miisaanka waxaa ka mid ah in ay ku taliyaan in qofku uu cunto cunista joojiyo ugu dambayn 8 fiidnimo, halka qaarkoodna ay ka sheegaan in 5 galabnimo kaddib aan cunto la cunin.

Xeeldheereyaasha siga gaarka ah arrimahan u daraaseeyey waxa ay sheegeen in cuntada oo la cuno isla waqtiga la sii seexanayaa ay dhibaato caafimaad ku tahay qof kasta oo ay ku jiraan xitaa kuwa aan miisaankoodu saayidka ahayn. Talada ugu fiicanina ay tahay in cunto cunista la joojiyo saddex saac ka hor xilliga uu qofku seexanayo. Tusaale ahaan haddii uu 10 habeennimo seexdo waa in uu 7 habeennimo sii casheeyaa.

Muhiimaddu waa in hurdada uun 3 saac laga horreysiiyaa, sababta sidaa loo yeelayaana waa in jidhka la siiyo waqti ku filan in uu cuntada inteeda ugu muhiimsan dheefshiido hurdada ka hor.

  1. Biyaha la cabbo xilliga cuntada cunisteeda la wado: Dad badan ayaa aaminsan in biyo badan oo la’ la cabbo cuntadu ay keento in uu qofku dhergo oo taasina ay keento in uu cunto yar cuno, sidaasna uu miisaankiisu aakhirka isku dhimo. Laakiin culimada arrimahan ku xeeldheeri waxa ay xaqiijiyeen in xogtaasi ay qaldan tahay.

Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyey ayaa caddaynaya in biyaha oo la cabbo xilliga cunto cunista la wadaa ay yarayso dheecaannada dheefshiidka caawiya ee ay caloosho soo saarto, taasina ay dhibaato ku noqoto awooddii dheefshiidku u lahaa in uu cuntada burburiyo. Qofka oo dabeecaddaas joogteeyaana waxa uu halis u yahay in ay ku dhacaan xanuun ama dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca dheefshiidka ahi.

  1. Jimicsigu ma kaa furan karaan is xammaynta: Dad badan ayaa aaminsan in jimicsiga oo joogto loo sameeyaa ay kuu ogolaanayso in aad cunto wixii aad jeceshay iyo xaddigii aad ka rabto, maadaama oo aanu miisaankaagu kordhayn!

Waa aaminaad qaldan. In qofku uu jimicsi sameeyaa macnaheedu waa in oo gubo Kaalooriyada jidhkiisa ku jira, laakiin isaga oo gubaya, haddana in qofku cunto badan cunaa waxa ay keenaysaa in uu miisaankiisu kordho, iyo in uu aakhirka la kulmo cillado dhinaca dheefshiidka ah. Dhammaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here