Talooyin Muhiim U Ah In Jidhka Laga Ilaaliyo Gabowga Soo Degdega

40
3947

Hargeysa (Geeska)- La dagaalanka calaamadaha gabowga oo inta badan dadka ku bilowda da’da afartanaadku waxa ay ka mid tahay arrimaha kharashaadka ugu badan dunidu ku bixiso. Kiriimo, farsamooyin qurxineed iyo qalniinno dhammaantood lacago badani ku baxaan ayaa ay dadku kula tacaalaan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tallaabooyin ay khubaradu ku talinayaan in qofku u raaco dagaalkiisa ka dhanka ah gabowga, weliba ay fiican tahay in qofku uu qaarkood sii bilaabo ku dhaqankooda iyada oo aanu weli gabow ku bilaabmin, si samayntooda uu ula sii qabsado, isla markaana in uun uga hortago gabowga.

Isticmaalka Kiriimada duxda leh, ee ku habboon maqaarkaaga

Maqaarku nooc kasta oo uu yahay waxa uu u baahan yahay kiriim ku habboon oo qooya maqaarka, mar kasta oo uu qofku dhalinyaro yahayna duxdaas waa uu uga sii baahi badan yahay maqaarka qofka weyn.

Haddii maqaarkaagu caadi yahay waa uu u baahan yahay in aad kiriimka khafiif kaga dhigto, haddii kalana waa in aad raadsato kiriim dux leh oo laakiin ah nooca aan marka jidhka la mariyo ka dhex dhalaalin. Maqaarka qallalani waxa uu u baahan yahay qoyn aad u xeeldheer, iyo kiriimo nafaqeeya, haddii kale waxaa qofka ku soo degdega coodhcoodhka iyo jiitimaha kale ee wejiga ku samaysma.

Saliidaha

Saliidaha dhirta laga sameeyo ee dabiiciga ahi waxa ay ka mid yihiin duxaha ugu fiican dhaashiga, waxa ay jidhka ka ilaaliyaan igagga iyo dildillaaca, oo labaduba ah sababaha keena gabowga soo degdega. Wejiga oo keliya in la mariyana waxaa ka fiican in la mariyo jidhka oo dhan sida laabta, caloosha, dhabarka, bawdyaha iyo cagaha oo intuba ka mid ah meelaha gabowgu ka muuqdo.

Cabbista biyaha

Jidhku waxa uu mar kasta u baahan yahay biyo badan. Biyuhu waxa ay unugyada jidhka ka caawiyaan in ay is cusboonaysiiyaan. Sidaa awgeed ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan laba litir oo biyo ah. Xasuusnoow in cabbitaannada kala duwan ee dabiiciga ah ama warshadaysani aanay marnaba buuxinayn kaalintii biyaha uu jidhku u baahnaa.

Weji-qurxinta (Make-up)

Inta badan dumarka oo u badan kuwa shaqeeya iyo marka ay xafladaha tegeyaan kuwa kale, waxa ay wejiga marsadaan kiriimo iyo bootarro qurxinta wejiga iyo giijintiisa loogu talagalay. Waxa ay khubaradu ka digayaan in gabadhu ay weji-qurxintaas (Make-up) muddo isku deyso. Waxa ay taladoodu tahay in marka ugu horreysa ee suurtagal ah ay gabadhu wejigeeda ka nadiifiso hadhaaga kirimmadan iyo bootarradan la isku qurxiyo.

Quraacda

Cuntada iyo nidaamka cunto ee aynu raacnaa waxa uu raad la taaban karo ku yeeshaa caafimaadka maqaarkeenna. Cuntadu waxa ay jidhka siisaa tamar, waxa aanay ka caawisaa la dagaallanka calaamadaha gabowga. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in aan la dhayalsan quraacda, waxa aanay si gaar ah u tilmaameen in la cuno khudradaha, cuntooyinka caanaha laga soo dheegto, cabbitaanka liin macaanta oo Faytamiin ‘C’ hodan ku ah, jidhkana ka caawiya soo saarista barootiinka Collagen oo faa’iidooyin badan u leh maqaarka, muruqyada, lafaha iwm. Korna u qaada quruxda, dhalaalka dabiiciga ah iyo giijisnaanta maqaarka. Waxa kale oo ay khubaradu ku taliyeen sharaabka cambaha Babaayga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here