Talooyin Muhiim Ah Oo Kaa Caawinaya In Sawirka Aad Gelaysaa Uu Soo Baxo Mid Aad U Qurux Badan (Q. 1)

22
3064

Washington (Geeska)- Waxa aynu joognaa waqti sawirku uu ka mid noqday balwadaha uu aadamuhu joogtada u sameeyo, waxaa aad u caawiyey qalabka casriga ah ee talefannada gacantu ugu horreeyaan oo keenay in qofku uu isagu gacantiisa isku sawiro, ‘Selfie’. La isma sawiro oo keliya ee waxa ay dadku si joogto ah sawirradooda ay filayaan in ay qurux badan yihiin ku faafiyaan baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ka. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa ay ku soo gudbinaysaa talooyin ay sheegtay in qofka raaca ay ka caawinayaan in sawirka uu iska qaadayaa noqdo mid qurux badan.
1. Qaab caafimaad ka muuqdo: Ku dadaal in jooggaagu uu u wada muuqdo oo aanu u ekaan mid ka gaaban inta aad run ahaan tahay, taas oo ku imanaysa talooyinkan; dhabarkaagu ha toosnaado, labada garab ha muuqdaan, madaxana hoosna ha u foorarin korna si dig oo is adkayni ka muuqato ha u taagin, jooji halka ugu fiican ee uu raaxo ku dareemayo, iskana jir in qallafinta.
2. Raadi dhinaca aad u fiican tahay: U fiirso sawirradaada hore, si aad u ogaato dhinacaaga fiican; waa arrin la ogyahay in labadaada dhinac midig ama bidix mid uun sawirrada ku qurux badan yahay in ay kamaraddu kaaga timaaddo dhankiisa. Marka aad dhinacaa ogaato, sawirradaada dambe oo dhan ku dadaal in si aan lagaa dareemayn in aad dhinacaa muujinayso oo aad u khafiif ah isugu yar janjeedhiso dhankaas, marka aad sawirka gelayso.
3. Gadhka in yar kor u qaad: In aad gadhkaaga in yar kor u qaaddo, isha kamaraddana aad toos u eegtaa, waxa ay kuu ekeysiinaysaa ruux isku kalsoon, waxa aanu sawirku noqonayaa mid si fiican u muujiya tafaasiisha wejigaaga oo dhan.
4. Neef dheer qaado: In aad si fog u neefsato ilbidhiqsiyo ka hor inta aan sawirka laguugu dhufan, waxa ay muuqaalkaaga sawirkga ka dhigayaan ruux xasiloon, oo aanu is ad-adkayn iyo is kallifaad sawirku keenay ka muuqan. Sidaa awgeed waxaa laguugula talinayaa in aad ku dadaasho neefsi dheer oo aad samayso, si uu kaaga fogeeyo muuqaal qallafsani in uu sawirkaaga ka soo baxo.
5. Ha ku talaxtegin isticmaalka kiriim aasaaska ah: Waxaa jira kiriim afka ingiriisiga lagu magacaabo ‘Foundation Cream’ kaas oo inta aan weji-qurxinta la marin la mariyo wejiga si midabka wejiga uu uga dhigo mid isu wada eego. kiriimkan aasaaska u ah weji qurxinta ‘Make-up’ haddii aad isku badiso, sawirka aad gasho wejigaagu waxa uu u muuqanayaa in dahaadh ama rabadh sare ku daboolan yahay. Kiriimkan oo inta badan ay dumarku isticmaalaan ayaa lagula talinayaa in ay inyar ka isticmaalaan, kadibna dusha ka sii mariyaan bootar yar oo khafiif ah, (Aan isagu dahaadh kale noqon), waxa uu wejigaagu yeelanayaa midab isu eeg, oo xariir iyo dabiicinimo ka muuqato.
6. Waxa kale oo dumarka u gaar ah nooca ay indhakuusha ka dhigayaan: Indhakuushu ha noqoto mid ku habboon midabkaaga iyo qaabka samayska ah ee indhahaaga. Qalin sunnaha loogu talagalay in isha muggeeda lagu xaddido, qaybta isha gudaheeda ah ka dhig midab furan oo aan madow ama midabbada kale ee hurda ahayn. Waayo indhakuusha madowga ah oo isha qaybta gudaha xigta la mariyaa waxa uu isha u ekeysiiyaa mid aad u yar oo weliba cidhiidhi ah. Indhakuul midabkeedu furan yahay oo isha qaybta hoose la mariyaa waxa ay isha siisaa qaab iyo xajmi ka weyn inta runta ah. Waxa kale oo muhiim ah in aad dheerayso timaha xirribaha isla markaana u ekeysiiyo kuwo badan (Cufan), adiga oo isticmaalayo burushka loogu talagalay in timaha xirribaha lagu feedho. Sunneyaashaadana indhakuusha ugu samee / sawir qaab qurux badan. arrimahaas oo isu tegey waxa ay muuqaalka gabadha ee sawirka ka dhigayaan mid da’da runta ah aad uga yar qurux aad u badanna leh. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here