Talooyin Muhiim Ah In Bisha Soonka Ka Hor Ay Ku Dhaqmaan Bukaanka Qaata Dawooyinka Joogtada Ah

47
3416

 

Hargeysa (Geeska)- Waxaa dunida muslimka oo dhan looga diyaargaroobayaa bilaabashada bisha soonka oo la sugayo badhtmaha bishan aynu ku jirno, waxa aana xilligan oo kale aad u soo baxa su’aalaha dhinaca caafimaadka ee la xidhiidha bisha soon iyo dadka bukaanka ah. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waa ay soo bandhigaysaa talooyin caafimaad oo ay xeeldheereyaasha xarunta caafimaadka ee Xamad oo ku taalla dalka Qatar u soo jeedinayaan dadka qaba cudurrada la’la noolaado sida macaanka iyo dhiigkarka, waxa aanay ku taliyeen in ay dhakhtar la tashadaan ka hor inta aanay bisha soon bilaabmin, si qofku u ogaado xaaladdiisa runta ah, qaabka ugu habboon ee ay tahay in uu dawada u qaato iyo talooyinka la xidhiidha hab nololeedka looga baahan yahay xilliga soonka, waxa kale oo uu qaadanayaa talooyinka la xidhiidha isbeddelka xilliyada dawo qaadashada.

Dr. Camar Muhayn oo xaruntan ka tirsan ayaa sheegay in dawo kastaa ay leedahay hawlo u gaar ah oo la xidhiidha habka shaqo ee xubnaha kala duwan ee jidhka iyo sida ay ula falgelayso, hawlo kiimikaad oo jidhka saamayn ku leh, iyo qaab uu jidhku u nuugo ama u burburiyo. Sidaa awgeed, ayaa uu dhakhtarku ka digay isbeddel kedis ah oo ku yimaadda waqtiyada dawo qaadashada, kaas oo uu sheegay in uu keeni karo khataro caafimaad, in faa’iidada dawada laga rabay meesha ka baxdo iyo in khatar caafimaad ay keeni karto. Si arrimahaas looga taxaddarana waxa uu dhakhtarku ku taliyey in qof kasta oo dawo joogto ah qaataa uu dhakhtarkiisa u tago ka hor inta aanay bisha soonku bilaabmin.

Warmurtiyeed caafimaad oo ka soo baxay xarunta Xamad ayaa uu Dr. Camar ku sheegay in waqtiyada dawo qaadasho ee xilliga ramadaanku uu kala duwanaan karo, iyada oo loo eegayo nooca dawada iyo dabeecaddeeda, muhiimad gaar ahna ay sii leedahay dawada dhawr jeer oo maalintii ah uu qofku qaato, oo u baahan dhakhtarku ka taliyo isbeddelka xilliga ramadaan ku imanaya waqtiyadaas la qaadan jiray.

Waxa kale oo uu Dr. Camar bukaanka qaba xanuunnada caloosha iyo midhicirada ee dawada joogtada ah qaata uga digay in ay cunto aad u culus ku bilaabaan afurka, isaga oo sida oo kalana kula taliyey in ay ka fogaadaan cuntooyinka dufanku ku badan yihiin, xawaashyada iyo busbaaska ugu yaraan xilliga afurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here