Talooyin Ku Aaddan Gabadh Kasta Oo Da’da Afartan Jirka In Ay Gaadho U Diyaar Ah (Q.2aad)

0
867

Washington (Geeska)- Wendy Ryden oo ah qoraa xidhiidhka bulshada aad wax uga qorto ayaa maqaal ay ku faafisay degelka Internet ka ee Life hack waxa ay ku sheegtay talooyin ku aaddan dumarka gaadhay 40 jirka oo ay aaminsan tahay in ay ka caawin doonto ka gudbista duruufaha da’dan ku lammaan iyo la qabsiga waayaha cusub ee qofka da’dan gaadhay u bilaabanaya. Qaybta labaad ee talooyinkaas oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxaa ka mid ah:

– Iska ilaali warwarka badan: Marka aad xaqiiqsato in warwarka iyo caloolyowga ku galaa aanu waxba ka beddelayn natiijada dhibta aad tebeyso, waxaa nafta qasab ku noqonaysa in ay aqbasho waxa dhacaya. Waana markaas oo keliya marka aad noloshaada caadi u wadan karto iyada oo aanay saamayn kugu lahayn caqabadaha iyo hagardaamooyinka laga yaabo in ay ka hor yimaaddaan.

– Weligaa dadka kale ha isku dhererin: In aad noloshaada dadka kale ku dhereriisaa wax faa’ido ah keeni mayso, maadaama oo aanad waxba ku taransanayn, taas beddelkeeda waxaaba laga yaabaa in ay kugu kordhiso niyadjab badan iyo in aad ku qancin weydo noloshaada.

Waxa aad ogaataa in mar kasta uu hareerahaaga joogo ruux kaa maskax iyo fariidnimo badan, ruux kaa qurux badan, ruux kaa shakhsiyad fiican iyo ruux kaa barwaaqo iyo badhaadhe badan sida uu u jiro mid intaas ba kaa hooseeyaa. Waxa aad ogaataa in maalinta aad bilowdo is barbar dhigga ay tahay maalinta aad lumiso raalli-ahaanshiyihii iyo qanacsanaantii noloshaada aad ku qabtay, waxa aanay u dhowdahay in ay caqabad ku noqoto horusocodkaagii.

– Filashadaada xakamee: Mar kasta waa in aad lahaataa riyooyin aad doonayso in aad mustaqbalka dhow iyo ka fogba gaadho, waxa se muhiim ah in riyadaada iyo himilada aad leedahay aanay noqon mid ku xidhan horumar iyo hawl uu qof kale qabsaday, in aad ku gaadho ama in aad filato in cid kale kaa caawiso gaadhista himiladaa oo weliba aad ku xisaabtanto in aad gaadhayso. Wax aanad gacantaada ku haysan filashadiisa iska xakamee, si aad noloshaada runta ah u noolaato.

– Shaqada ha ka hadhin: Waa arrin la iska fahmi karo in qofku inta uu nool yahay uu u baahan yahay hawl adduun oo uu ku mashquulo, waxaa fiican in qofku bilowga hore ee shaqadiisaba ku dadaalo in uu ka shaqeeyo wax uu raalli ka yahay ama xiisaynayo. Waa sida keliya ee u suurtogelin karta in muddo dheer uu sii wado shaqada oo aanu gabowga ku soo kordhayaa niyadjebin, wax-soo-saarkiisana u dhimin.

– Dhitayso: Nolosha dabeecadaheeda ayaa ay ka mid tahay in ay si joogto ah isu bed-beddesho, waxaa suurtogal ah in waayahaagu ay meel keliya ku negaan waayaan inta aad nooshahay, sidaa awgeed si aad uga badbaado wax dhib ah ama dib u dhac nololeed ah oo kugu yimaadda waxaa habboon in marka waqtigu kula jiro aad dhaqaale kaydsato si aad uga dhigato dheef aad kaga gudubto dharaaraah adag.

– Samofalka ogow, dantaadana ha dayicin: In aad waqtigaaga qayb ka mid ah u hibayso qabashada hawl gaar ahi waxa ay leedahay faa’ido fiican oo kuu horseeda in aad noloshaada ku raalli noqoto. Waa ay fiican tahay in aad dadka caawiso, waxa se aad ogaataa in aanay fiicnayn in aad indhaha ka laliso xallinta dhibaatooyinka kula yaalla oo aad u hanqal taagto xallinta dhibta cid kale nolosheeda haysata.

Waxa iyaduna muhiim ah in aad samofalka iyo caawinta dadka samayso adiga oo aan ku doonayn abaal marin iyo adduun kale, waayo in aad hawl wanaagsan qabato adiga oo aan ku doonayn abaalkaasi waa sida keliya ee aad ku heli karto shucuur raalli-ahaanshiyo iyo in aadk u faraxdo waqtiga ama adduunka aad hawshaas gelisa, si kasta oo ay duruuftaadu tahayna ku dadaal in aanad ka tegin samofalka, oo mar kasta oo aad in samayso ku dadaal in aad sii kordhiso.

– Naftaada iyo Dadka kalaba Cafi: In qofku uu cafiyi waayo naftiisa qaladaadkeeda iyo dadka kalaba waxa ay mustaqbalka ku marka uu weynaado ku keentaa shucuur noqota teed kala xidhaya qofka iyo farxadda.

Waa run in naftu aanay jeclayn cafiska oo aargoosigu aad ugu badan yahay dabeecadda aadamaha, laakiin ku tababar naftaada in ay cafiska barato, gaar ahaan marka aad gaadho 40 jirka. Mar kasta oo aad naftaada ka saamaxdo qaladaadka nolosha ee ay soo martay, dhinaca fiicanna arrimaha ka istaagi weydo waxaa kugu kordhaya murugada iyo nolosha oo macaan kuu noqon weyda.

– Iska jir Balaayo-aragga: Marmar waxaa dhib ah in aad ka fogaan karto dadka balaayo sheegga badan ee arrimaha oo dhan dhinaca madow ka istaaga, haddii ay tahay dadka aad wada shaqaysaan iyo haddii ay xubno qoyskaaga ka mid ah tahayba. Haddii aad ku guulaysato in aad naftaada iyo dadka u dhexeysiiso xuduud ku habboon, adiga oo aan xidhiidhkii bulshada iyo la macaamilkii dadka ka tegeyn, laakiin dadka inta samo-aragga ah ka dooranaya waxa aad dareemi doontaa in noloshaadii kuu macaanaatay.

‘Maya’ Waa hadal cad: Mar kasta oo ay da’ ii sii korodho waxa aan garwaaqsadaaa in kelmadda “Maya” ay tahay hadal wax kala gooya, oo ay muhiim tahay in waxa aan diidanahay aan ku cabbiro aniga oo aan nafta ku daalin cudur daarasho iyo sababayn. Waayo waxa aanad doonayn oo aad diiddaa waxa ay wanaajisaa in aad noloshaada ku raalli ahaato.

Ogolaanshiyaha hortii ka fikir: Inta badan dhibta haweenka ku dhacda waxaa ka mid ah in marka ay guur noqoto ay si fudud u aqbalaan, xitaa mararka qaarkood iyaga oo aan ka fikirin mustaqbalka qoyskeeda ay ninkan la wadaagaysaa sida uu u ekaan karo. Guurka uun kuma koobna ee arrimaha nolosha oo dhan ayaa u baahan in aynu ka fikirno inta aynaan aqbalin iyo dabcan inta aynaan diidinba. Dhammaad