Talooyin Ku Aaddan Gabadh Kasta Oo Da’da Afartan Jirka In Ay Gaadho U Diyaar Ah (Q.1aad)

0
841

Washington (Geeska)- Wendy Ryden oo ah qoraa xidhiidhka bulshada aad wax uga qorto ayaa maqaal ay ku faafisay degelka Internet ka ee Life hack waxa ay ku sheegtay in ay bilo yar oo keliyi ka xigaan da’da 40 jirka oo ay aaminsan tahay in ay wadato waayo iyo hawlo u gaar ah oo ugu yaraan ka duwan sidii ay Afartanka ka hor nolosheedu ahaan jirtay.

Wendy waxa ay maqaalkeedan ku xustay talooyin ku aaddan dumarka oo ay aaminsan tahay in ay ka caawin doonto ka gudbista duruufaha da’dan ku lammaan iyo la qabsiga waayaha cusub ee qofka da’dan gaadhay u bilaabanaya. Talooyinkaas oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxaa ka mid ah:

– Naftaada jecloow: In aad ogaato qofka aad dhab ahaan tahay, waxa ay kugu hoggaaminaysaa in aad aqbasho naftaada iyo mustawaheeda, iyo in aad nolosha si guud ugu raalli ahaato, taas oo kaa caawinaysa in aad jelcaato oo aad aqbasho dadka kale, xidhiidhadoodana aad guulo ka gaadho.

– Quudinta Ruuxda: Si kasta oo aad hawl fiican iyo shaqo wanaagsan u qabanayso, waxa aad ogaataa in aanay jirin wax u dhigma in aad qabato hawl naftaadu hibo u leedahay oo aad jeceshay. Taasina ay qayb libaax ka qaadanayso in aad nolosha ku raalli ahaato, sidaa awgeed waa in aad naftaada fursad u siisaa in ay qabato waxa ay hibada u leedahay ee ay midho dhal ka keeni karto, haddii hawsha haysa jacaylkeeda aanad isku hubin tijaab wax kale oo aad qabashadiisa jeceshay, waxa aad dareemi doontaa niyadwanaag, xasilooni iyo xorriyad badan.

– Taageerada saaxiibbada In ay kugu xeernaadaan saaxiibbo awood badan oo aad kalsooni ku qabto si ay noloshaada kaagala qayb qaataan waa arrin aanay jirin wax loo dhigaa. Sida oo kale in aad samayso saaxiibbo cusub oo kalgacal iyo taageero niyadeed kula garab istaagaa waa arrin aad u muhiim ah.

– Ruux dabiici ah: U dhaqan sida ruux caadiya oo si dabiici ah u cabbir shucuurtaada farxadeed iyo murugo.

– Naftaada u nooloow: Suurtogal ma’aha in aad dadka kugu xeeran oo dhan farxad gelisaa. In go’aanka aad naftaada u qaadanayso aad ka eegto in uu yahay kii saxda ahaa ee ku anfacayey ayaa ka fiican in aad eegto in dadka kale uu raalli gelinayo, sidaas ayaana ah sida keliya ee aad noloshaada kaga dhigi karto mid si sahal ah kuugu socota.

– Sahal u tanaasulin: Mar kasta in aad xal dhexdhexaad ah raadisaa waa arrin aad u fiican, gaar ahaan marka ay tahay hab aad ku raalli gelin karto dhinacyada xidhiidhadu idinka dhexeeyaan, laakiin iska jir in aad xidhiidh dhowristii darteed uga tanaasusho wax ay naftaadu ku raalli ahayd ama u arkaysay in uu yahay waxa u fiican noloshaada.

Afartan waa waqtigii ay ahayd in aad dib u qiimayn ku samayso xidhiidhadaada oo dhan, go’aanada aad qaadanaysaana noqon lahaayeen kuwo sax in ay yihiin uun muhiim tahay, balse aan u dabranayn in xidhiidh saaxiib sii jiro.

– Safar sannadkiiba mar: Qorshee in aad ugu yaraan sannadkii hal mar meel kugu cusub u safarto, waayo safarku waxa uu abuuraa dareeen xorriyadeed, waxa aad duruus cusub oo nololeed ka qaadanaysaa habka ay u nool yihiin dadka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee aad tegeysaa.