Talooyin Caafimaad Oo Muhiim U Ah Hooyada Uurka Leh: Laab Ololka, Calool Istaagga, Fallaadhaha Qorraxda, Qaabka Jiifka, Kabaha Cidhibta Leh Iyo Cabsida Nafsiga Ah

0
2812

Hargeysa (Geeska)- In hooyadu xilliga uurka ay si fiican u daryeesho caafimaadkeedu waxa ay ku abuurtaa shucuur raaxo oo nafsiya waxa aanay horseeddaa in ilme caafimaadkiisu fiican yahay ay dhasho. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa talooyin muhiim ah oo ay dhakhaatiirta ku xeeldheer xaaladahani sheegeen in ay caawinayaan hooyada uurka leh.

Jimicsiga:

Jimcsiga ay hooyada uurka lihi samaysaa waxa uu ak caawiyaa in isbedellada hormoonnadu ku keenayaan ilmaha uurka ku abuurmaya awgeed, aanay waxba u dhimin quruxda iyo is-haysashada jidheed ee hooyada, waxa aanu ka dabiibaa xaaladaha nafsiga ah ee diiqaddu ka mid tahay. Waxa kale oo uu ka ilaaliyaa dhiigkarka iyo xanuuno kale oo ay hooyadu xaaladdan oo kale u nugushahay.

Waxa ay dhakhaatiirta takhasuska ahi caddeeyeen in hooyooyinka jimicsiga jidhka si joogto ah u sameeyaa ay fursad kuwa aan jimicsan ka weyn u helaan uur qaadista. Jimicsiyada muhiimka ah ee hooyadu marka ay umusho kadib ka caawin kara in ay dib u soo ceshato miisaankii saxda ahaa, waxaa ka mid ah socodka iyo dabbaasha.

Digniin: hooyada uurka lihi waa in ay dhakhaatiirta kala tashato siyaabaha ugu habboon ee ay jimicsiga u samayn karto muddada uurka.

Kiriimada la isku qurxiyo

Wax kasta oo ay hooyadu xilliga uurka wejiga ama jidhka kalaba marsataa waxa ay u dhowdahay in uu raadayn ku yeesho ilmaha caloosha ku jira, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirta caafimaadku ku talinayaan in hooyadu haddii ay ka fursan weydo, ay raadsato kiriimada la hubo in aanay caafimaadka hooyada iyo ilmaha midna waxba u dhimayn.

Cuntada

Waxaa hubaal ah in nidaamka cunto uu saamayn caafimaad ku leeyahay awoodda dhalmo ee gabadha, sidaa awgeed hooyada in ay uur qaadda doonaysa ama waqtiga dhalmadeedu soo dhowyahay waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in ay cunto cuntooyinka ay ka mid yihiin kalluunka, khudradaha iyo saliidaha caafimaadka aan dhibaatada kale ku keenin.

Waxa sida oo kale u fiican khudradda iyo cuntooyinka Kaarboohaydaraytku ku badan yahay, sida khubuska iwm.

Cuntooyinka leh asiidhka Foolik (Folic Acid) ama dawada asiidhkan ka samaysan lafteeda, ayaa iyaduna kaalin weyn ka qaata in ilmaha uurka ku jiraa uu koro koritaan caafimaad qaba, isla markaana xoojiya awoodda dhalmo ee hooyada.

Digniin: Dhakhaatiirtu waxa ay hooyada uur qaadista doonaysa iyo ta waqtigii umusheedu soo dhowdahay uga digayaan in ay cunto kalluunka iyo hilibka aan sida fiican loo bislayn, iyada sida oo kale cuntooyinka bakteeriyada yeelan karta, waxa kale oo lagula talinayaa in ay ka fogaato maadadda Kaafiyeynta (Caffeine) iyo cuntooyinka leh midabaynta sanaaciga ah.

Guntankan muruqyada: Hooyada uurka lihi waxa ay marar badan isku aragtaa guntamid ama isku soo ururid ku dhacda muruqyada jidhkeeda, xaaladdan oo xanuun badan ayaa sida ugu habboon ee ay kula tacaali karto ay dhakhaatiirtu ku sheegeen in ay kiish bac ah ku shubto biyo baraf ah, kadibna saarto meelaha uu muruqu inta badan ka guntamo, sida oo kale in ay samayso duugis fudud hurdada ka hor.

Qoyaanka jidhka: Hooyada uurka leh waxaa lagula talinayaa in ay maalin kasta cabto ugu yaraan 10 koob oo biyo ah, iyo in meel kasta oo ay u baxayso ay gacanta ku sii qaadato caagad biyo ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in biyaha oo ay hooyada uurka lihi badsataa ay ka ilaaliyaan yalaalugada, isla markaana ay ilaaliyaan in biyaha ilmuhu ku dhex jiraa aanay hoos uga dhicin heerka caafimaad ahaan saxda ah.

Ku maydhashada biyaha kulul

Ku maydhashada biyaha kulul iyo sida oo kale maydashada uumiga ah ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay khatar caafimaadk u keeni karto ilmaha uurka ku jira, sida oo kale qaar ka mid ah saliidaha cadarka leh ayaa aan u fiicnayn hooyada uurka leh, maadaama oo qaarkood ay ilmagaleenka ururiyaan, taasina ay keeni karto in ilmuhu soo dhaco sidkiisa ka hor.

Uurka iyo safarka: Waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanu safarku u fiicnayn hooyada uurkeedu ka yar yahay 14 toddobaad, sida oo kale aanu u fiicnayn hooyada uurkeedu ka weyn yahay 28 toddobaad, taas oo macnaheedu yahay in waqtiga safarka diyaaradda loo ogolaanayo hooyada uurka lihi uu noqdo inta u dhexeysa toddobaadka 14naad ee uurka illaa toddobaadka 28 naad.

Waxa jirta cabsi badan oo laga qabo in ilmuhu soo dhaco haddii waqtiyadaas la diiday ay hooyada uurka lihi diyaarad ku safarto, waxa aana muhiim ah iyaduna in safarka ka hor ay hooyada uurka lihi la tashato dhakhtarka iyo in ay ku wargeliso shirkadda diyaaradaha ee ay ku safrayso.

Hooyada uurka lihi inta ay diyaaradda saaran tahay waxaa lagula talinayaa in ay biyo badan cabto iyo in ay 30 daqiiqo oo kasta mar kacdo oo ay yara dhex socoto diyaaradda, sidaa awgeed waxaa fiican in ay marka horeba fadhiisato kuraasida aanay kicista badani dhibaato ku keenayn rakaabka.

Dawooyinka dabiiciga ah

Xaaladaha yalaalugada, calool ololka iyo calool istaaggu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha caafimaad ee inta badan lagu arko dumarka uurka leh, waxa fiican in hooyadu ay xaaladahaas u muujiso dulqaad intii suurtogal ah, kulana dadaasho dawooyinka dabiiciga ah, sida caleenta nacnaaca, sinjibiisha, iwm. Waxa kale o ay khubarada caafimaadku sheegeen in biyo diirrimaad yar ah oo hooyada uurka lihi ku maydhato iyo jimicsiguba ay daweeyaan calool istaagga, caanaha aan qaboobayn iyo xanjada aan sonkorta lahayn ayaa iyagana lagu tilmaamaa in ay dawo ka yihiin calool ololka.

Si kastaba ha ahaato ee haddii ay hooyadu dareento in xaaladda aanay u sii adkaysan karin, waxa looga digayaa in ay isticmaasho dawooyinka aanu dhakhtarku kula talin, waa in ay la xidhiidho dhakhtar takhasus u ah dumarka.

Qorraxda

Xilliga uurka maqaarka hooyadu waxa uu noqdaa xasaasi aan u adkaysan karin fallaadhaha qorraxda, waxa ay dhakhaatiirta takhasuska ahi hooyada uurka leh kula talinayaan in ay iska jirto fallaadhaha qorraxda, tusaale ahaan haddii ay ka fursan weydo in ay qorraxda u baxdo waxaa muhiim ah in ay dallaayad ama koofiyad ka qabata fallaadhaheeda ay xidhato, waxa kale oo muhiim ah in ay xidhato muraayadda indhaha ee qorraxda ilayskeeda laga xidho.

Dhakhaatiir badan ayaa ku taliya in hooyada uurka lihi ay iska ilaaliso fadhiisiga qorraxda.

Nooca jiifka

Suurtagal ma’aha in hooyada uurka lihi ay beerka u jiifsato, waxa kale oo iyaduna khatar ah in ay dhabarka u jiifsato, waayo miisaanka makaanka ayaa hoos u cadaadinaya lafdhabarta iyo halbawlayaasha dhiigga ee muhiimka ah, taasina waxa ay yaraynaysaa wareeggii dhiigga.

Habka ugu fiican raaxo ahaan iyo badqab ahaan ee ay hooyadu u jiifsan kartaa waa in ay dhinac u jiifsato iyada oo jilbahana soo laabaysa.

Kabaha cidhibta leh

Kabaha cidhibta lihi waxa ay lumiyaan isu dheellitirnaanta jidhka qofka, waxa aanay sababi karaan in cagaha ama kuraamuhu bararaan, marka ay hooyadu uurka leedahayna waa ay ka sii badanaysaa khatartu, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan hooyada uurka leh in ay isticmaasho kabaha kabaha aan cidhibta lahayn, weliba xilliga uurka waxaa fiican in seeska (Lambarka qiyaasta kabta) ay qaadanaysaa in uu inyar ka weynaado ka ay qaadato marka caadiga ah.

Kalsoonida nafta

Uurku waxa uu marar badan dumarka ku keenaa cabsi nafsadeed iyo in ay hooyadu lumiso kalsoonida iyo amaanka ay dareemayso. Waxaa muhiim ah in xaaladdan oo kale hooyada si nafsiya loo caawiyo, gaar ahaan in loo sheego in isbeddelka uu uurku ku keenay jidhkeedu aanu ahayn mid foolxumo u soo jiiday, waxa kale oo ay u baahantahay in la fahamsiiyo in caafimaadkeedu uu fiican yahay, dabiicina ay tahay in jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba ay awood u leedahay u adkaysiga xanuunka foosha iyo dhalmada. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here