Talo Ku Saabsan Habka Ugu Fiican Ee Uu Qofku Ku Waajihi Karo Waayaha Nolosha

0
2097

Qoraa ah Aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga bulshada oo magaciisa la yidhaahdo Steven Kofi ayaa soo saaray qaacido cusub oo ka hadlaysa nolosha aadamaha iyo is ged-gediska waayaha. Waxa uu aqoonyahankani aaminsan yahay in haddii aad raacdo qaacida uu ku magacaabay Sagaashan ayaa u dhigma Toban (90/10) ay wax badan iska beddeli doonaan noloshaada, ama ugu yaraan aad gacanta ku hayn doonto jawaab celintaada dhacdooyinka kugu xeeran. Haddaba maxay tahay qaacidadani?

1. Boqolkiiba 10 ka mid ah dhacdooyinka noloshaadu waajahdaa waxa ay ka baxsan yihiin doonistaada.

2. Boqolkiiba 90 ka mid ah dhacdooyinka noloshaadu waxa ay ku xidhan yihiin hadba jawaab celinta aad ka bixiso.

Tan macnaheedu waa in boqolkiiba 10 ka mid ah dhacdooyinka murugada iyo warwarka nolosheena ku reeba ee dhacaa ay yihiin kuwo aan ku iman doonisteena isla markaana aanaynu waxba ka qaban Karin. Tusaale ahaan waxba kama qaban karno gaadhigeena xumaanaya, keliya waa inaynu ka fikirnaa xallinta xumaanshiyaha ku yimi, waxba kama qaban karno saaxiibka aynu la ballamayno ee xilligii ballanta dayacaya, iyaga oo laga yaabo in ballan xumada saaxiibka iyo cilladda sida kediska ah baabuurka ugu timid inay dhantaalaan barnaamijkeenii maalintaas ama isku dhex daadiyaan qorshayaasheenii haddana waxa inala gudboon in aynu u aragno wax aan ka hortag lahayn.

Malaha waa sababta Soomaalidu ay u garawsadeen in caanaha daatay aanay doonistooda ku iman ee ay u yidhaahdeen, “Caano qubtay dabadood la qabay” Haa, boqolkiiba Toban ka mid ah dhacdooyinka iyo mawaaqifta nolosheenu ku turaan-turrooto innagu hoggaanka uma hayno, mana xakamayn karno. Waxa laga yaabaa in mar horeba aad bilowday is weydiinta ah oo haddaa yaa maamula boqolkiiba 90 kale ee dhacdooyinka iyo duruufaha nolosha, laakiin aan kuu sheego in innagu aynu maamulno si dadban ama si toos ah si uun aynu gacanta ugu hayno, tusaale aan ku siiyo, Quraac ayaad la cunaysaa qoyskaaga, ilmahaagii oo kula cunayey ayaa si aan ula kac ahayn gacanta ugu dhuftay koobkii shaaha ahaa ee aad cabbaysay, nasiib darro dharkii shaqada ee aad isku giijisay ayuu shaahi gaadhay. Waa run oo doonistaada kuma ay iman dhacdadani, laakiin maxaa dhacaya: markaba canaan iyo qaylo ayaad ku bilaabaysaa waa haddii aanad uba gacan qaadin, cayda iyo sawaxankaaga ayaa isla markiiba ka oohinaysaa, inta kuma ekaanaysid ee waxa aad canaantii iyo buuqii kula jeesanaysaa xaaskii oo qudheedu ka xun wax dhacay, markaasaad madaxa goosanaysaa, adiga oo ku canaananaya sababta ay koobka halkan u dhigtay, "Maxaad koobka kala soo doontay kiftinka?"