Tallaabooyin Kaa Caawinaya In Aad Culayska Ka Ilaaliso Talefankaaga Gacanta Ee Ku Shaqeeya Android (Q. 1aad)

43
3017


Washington (Geeska)- Dada talefannada casriga ah ee gacanta u isticmaala danaha kala duwan ee xidhiidhka oo ay ka mid yihiin internet ka iyo ku hadalku, waxyaabaha ugu badan ee ay ka cawdaan waxaa ka in talefankoodu gacantu uu muddo yar kaddib culays badan yeesho, marmarna waaba ay dhacdaa in uu bilowgaba isaga cusub uu culays yeesho. In culayskaas xal loo helaa waa ay dhacdaa, waxa se muhiim ah in mar kasta la xasuusnaado in jidka loo marayo daweynta culayskaasi ay u kala duwan tahay sida ay u kala duwantahay sida ay u kala duwan yihiin barnaamijyada ka shaqaysiinaya talefanka gacanta, sida OS iyo Android. Qormadan oo lagu faafiyey shabakadda Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa habab culayska ka yarayn kara talefannada ku shaqeeya Android ka.
1. Ku dadaal in aad isticmaasho maamulaha kaydinta ee garaadka badan; Google Files Go:
Barnaamijka Google Files waxa uu suurtageliya in talefanka shaqadiisu fiicnaato. Waxa kale oo uu suurtageliyaa in qofku uu faylashiisa si dhammaystiran oo fudud u maamulan karo. Haddii aynu soo koobno barnaamijkani waa maamulaha ugu tayada badan ee kaydinta, waxa aanu u qaybsamaa laba qaybood oo muhiim ah; kuwaas oo kala ah ballaadhinta awoodda kaydineed ee talefanka iyo faylasha..
Files Go waxa aad u isticmaali kartaa in aad garato xaddiga ka bannaan talefankaaga iyo kaadhka xusuusta ee ku jira (Memory Card). Waxaa dheer in uu fududaynayo in faylashada loo raro kaadhka xusuusta ee ku jira talefanka, in la tirtiro faylashada ku meelgaadhka ah si talefanku aanay u buuxin, . waxa kale oo uu barnamaijka Fles Go ku siinayaa soo jeedimo faa’iido leh oo la xidhiidha faylashada ay tahay in aad tirtirto ka hor itna aanu talefankaagu buuxsamin.
Google Fales Go: Waxa uu shaqo aad u fiican ka qabtaa soo helidda faylasha aanu muhiimka ahayn ama dhowrjeer ku kaydsan talefanka, gaar ahaan marka uu talefanku yahay nooca ku shaqeeya barnaamijka Android oo qaadkiisa guduhu yahay 8 GB ama 15 GB.
2. Shaqada ka jooji ama iska tuur barnaamijyada aanad isticmaalin: Inta badan ee talefannada Android ka ahi, waxa ay ku yimaaddaan barnaamijyo loo filayo in ay mustaqbalka shaqeeyaan. Barnaamijyadaas iskaga sii jira talefankaaga gacantu waxa ay buuxiyaan xaddi aad u badan oo qaybta kaydka ee taleefanka ah, waxa aana dhacaysa in taleefanku dhaqso u buuxsamo ama culays keeno. Laakiin si arrintaas xal loogu helo waxa aad awood u leedahay, in aad tirtiro ama qaarkood shaqo ka joojin ku samayso kuwa aanad u baahnayn isticmaalkooda.
Boogo qaybta ‘Farsamada / Settings’ ee taleefankaaga, ka sii dooro qaybta barnaamijyadu / Applications ku kaydsan yihiin si aad u aragto dhammaan barnaamijyada ku jira taleefankaaga. Halkaas ayaa aad ka samayn kartaa hawsha tirtirista ama caddilista kuwa aanad isticmaalkooda u baahnayn. Waxa kale oo xusid mudan in aad qaybta kaydka garaadka-san ee Files Go ka heli karto barnaamijyada aanad isticmaalin ee taleefankaaga ku jira.
3. La deg barnaamijyada fudud / Lite: Haddii talefanka aad isticmaalayso qaadkiisu yar yahay, ama awoodda xawaarihiisu aanay badnayn, sida ugu fiicani waa in barnaamijyada aad la soo degeyso aad doorato kuwa fudud ee xaaladahan oo kale loogu talagalay oo ah kuwa ay la socoto kelmadda ‘Lite’. Barnaamijka noocan ahi waxa uu awood u leeyahay in uu ku shaqeeyo culays kasta iyo duruuf kasta oo ka jirta dhinaca shabakadda internet iyo isgaadhsiinta taleefanka labadaba.
Waxaa kale oo xusid mudan in inta badan ee shabakadaha caanka ah ee xidhiidhka bulshadu ay leeyihiin nuskhado fudud ‘Lite’ sida Facebook Lite, MSN Lite, Twitter Lite, Youtube Lite. Waxa aanad si fudud uga heli kartaa baadhista Google ka.
4. Hubi in barnaamijka taleefankaagu ku shaqaynayaa uu yahay kii u dambeeyey: Tusaale ahaan, haddii taleefankaagu uu weli ku shaqaynayo Android nuskhaddiisa 6.0 oo lagu magacaabo ‘Marshmallow’ waxa aad ogaataa in taleefankaagu uu u baahan yahay in barnaamijka loo cusboonaysiiyo, inta badanna cubsoonaysiinta ‘Update’ oo lacag la’aan ah ayaa kuu diyaar ah. Ku dhowaad boqolkiiba 30 taleefannada gacanta ee Android ku shaqeeya waxaa ku jira barnaamijka ‘Marshmallow’ oo waxa ay u baahan yihiin cusboonaysiin.
Si aad u cusboonaysiiso tag qaybta farsamada ee taleefankaaga ‘Settings’ qaybta ku saabsan talefanka ‘About the device’ kaddib dooro batamka cusboonaysiinta ‘Update’ La soco talooyin kale…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here