Taliyihii Puntland Ee Buuraha Galgala Oo La Dilay

0
522

galGarowe(Geeska)-Taliyihii ciidanka Puntland ee qaabilsanaa Aagga buuraha galgala, ayaa shalay gelinkii dambe la dilay, waxaana lagu dilay qarax miino oo lala eegtay baabuur uu saarnaa.

Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud) oo saarna gaadhiga.

Taliyaha ayaa dhaawac culus kasoo gaadhay qaraxa, waxaana markii dambe uu ku geeriyooday Cisbitaalka Bosaaso. Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaaya in taliyaha toogasho lagu dilay.

Sidoo kale qaraxa waxa ku dhaawacmay ilaa saddex askari oo la saarnayd gaadhiga oo qaraxa lagula beegsaday duleedka magaalada Bosaaso.

Weerarka ayaa u muuqday mid qorshaysan, waxaana taliyaha uu ka ambabaxay magaalada Bosaaso isagoo kusii jeeday aaga Galgala sida la sheegay.