Taliye Fadal, Wuu Dhisay Booliska W/Q Xasan Gumburaawi

0
690

Tan iyo intii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka booliska Somaliland Taliye Maamed  Saqadhi Dubad oo la xasuusto kaalintii iyo horumarintii uu ku lahaa sare u qaadida iyo tayaynta ciidanka booliska jamhuriyadan Somaliland wuxuu gaadhsiiyay heer aad u sareeya.

Markii uu la wareegay jagada taliyinimo Taliye Cabdilahi Iimaan fadal wuxuu isna halkii ka sii ambo qaaday tayaynta ciidanka booliska somaliland oo maanta maraya heer aanay weligood gaadhin Taliye Cbdilahi fadal oo lagu yaqaan shaqsi daacad ah hawlkar ma daale ah wuxuu had iyo jeer u heelan yahay sidii ciidanka booliska Somaliland uga midho dhalin lahaayeen sugida amaanka dalka waana marag ma doon in taliye fadal ay ka go,an tahay taasi isagoo dadkiisa u cadaalada samaynaya tan iyo intii uu taliye Cabdilahi fadal Iiman joogay taliyaha booliska waxa yaraaday dilkii iyo dhacii aafeeyay shacabka Somaliland waana sababta uu ku kasbaday shacabka reer Somaliland inay ku boogaadiyaan kaalinta uu taliye fadal kaga jiro sugida amniga dalka iyo dadka ba taliye fadal oo ah masuul in muddo dheer ku soo jiray ciidanka booliska somaliland ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa markuu ahaa hogaanka ciidanka booliska inuu heegan aan hore loo arag geliyay ciidanka booliska somaliland.

Wuxuuna yareeyay iska hor imaadyo dhex mara shucuubta dalka wada degta waxa iyana xusid mudan in taliye fadal uu hormuud u yahay masuuliyiinta geed isaga xidhay cadowga Somaliland inay ku soo dhex dhuuntaan shacabkeena ilaa wakhtigan la joogo Taliye Abdilahi fadal iimaan wuxuu hadh iyo habeenba heegan u yahay in ka hor tago shirqool kasta oo cadowgu u maleegayo ummada reer somaliland

Waa sunaha muwaadinimo in la sheegaa libinta masuul qaran kaga jiro horumarka dalka taliyaha fadal na waa marag ma doon in taariikhdu xusi doonto doorkii uu ku lahaa horumatinta ciidanka somaliland iyo sugida amaanka dalka