Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Sheegay Inay Qabteen Tahriibayaal Itoobiyaan Ah

0
688

Picture4Hargeysa (Geeska)-Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro),ayaa sheegay in Dhalinyarada reer Somaliland ay fahmeen dhibaatada iyo khatarta Tahriibka uu leeyahay, waxaanu tilmaamay in wacyigelin balaadhan oo Gobolada dalka laga sameeyey iyo Guddidii ka hortaga ee Madaxweynuhu magaacabay inay qeyb libaax leh ka qaateen in si toos ah Dhalinyaradu u fahanto dhibka iyo khatarta ka dambeeysa Tahriibka.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale waxa uu ka waramaya Tahriibayaal Itoobiyaana ah oo ay gacanta ku dhigeen, kuwaas oo isugu jiray Rag iyo Dumar doonayey inay ka tahriibaan Berbera, waxaanu yidhi “Dhalinyarada reer Somaliland waa Dhalinyaro aad iyo aad u wanaagsan, oo marka waxa loo sheego si wanaagsan u qaata,waxaana dhab ah in Guddidii ka hortaga Tahriibka ee Madaxweynuhu Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), sameeyey inay qeyb libaax leh ka qaateen in si toos ah Dhalinyarada iyo Shacabka reer Somaliland ay fahmeen dhibka, khatarta, silica iyo rafaadka ka dambeeya Tahriibka, kuwaas oo wacyigelin aad u balaadhan ka sameeyey dhamaan Gobolada dalka oo dhan, anaguna waxa aanu gacanta ku soo dhignay Dhalinyaro badan oo doonayey inay tahriibaan iyo walibana kuwii doonayey inay tahriibayaan”.

 Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhalinyarada reer Somaliland inay dalkooda jecel yihiin waxa cadeyn ugu filan sidii qiimaha lahayd ee ay isku soo abaabuleen Xuskii 18-may,kuwaas oo wacdaro dhigay, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddu mar walba ku dadaasho inay shaqo abuur u samayso, iyada oo hadba wixii shaqo ah si cadaalad ah ugu soo bandhigta, waxa kale oo iyana run ah in Madaxweynuhu mar walba heegan u yahay sidii uu dhalinyarada wax u tari lahaa, taas oo aynu ogeyn inuu xittaa xadhiga ka saray Sanduuqa Horumarka Dhalinyarada Somaliland, isaga oo lacagtii ugu horeeysayna ku shubay, markaas waxa aan ku waanin lahaa Dhalinyarada inay mar walba ku dadaalan inay dalkooda xamilaan oo aanay Waalidkood ka nixin”.

Taliyaha oo ka waramaya Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu qabtay Berbera ayaa yidhi “Tahribayaal Itoobiyaan ah oo ka kooban 15-xubnood oo iskugu jira Lix Dumar ah iyo Sagaal Nin ayaanu qabanay iyaga oo doonaya inay tahriibaan, kana tahriibaan Berbera, haddana gacanta ayaanu ku haynaa, wixii nagu waajib ah ee nala gudboon ayaanu ka mari doona.”