Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Waramay Guulaha Ay Somaliland Ka Gaadhay Dagaalkii Puntland

28
3101

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada qaranka Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa sheegay dagaalkii doraad dhex maray Puntland inuu ahaa mid adag waxaanu u soo bandhigay warbaahinta gaadiid ciidan oo sideed ah oo ay ka qabteen ciidamada maamul gobaleedka Puntland, waxaanu shaaca ka qaaday inay hore u dhaqaaqeen 12 Km intii uu dagaalku socday isla markaasna markiiba laysla dhaafay fadhiisimada ciidamada Puntland ee deegaanka Godqaboobe.

Ugu Horayntii taliye Nuux Ismaacil Taani oo ka hadlaayay dagaalka ay iskaga horyimaadeen ciidamada maamul gobaleedka Puntland waxa uu yidhi “Halkan aan hada joognaa waa Tukoraq bay 7 Km ka horaysaa waa halkii difaaca ciidanku kaga jiray, shalay oo bishu 15 ahayd subax nimadii todobadii markay ahayd ayaa aagaas hawdka ee maalintii hore laga soo weeraray iyo aagaas jiida hore ee wajiga hore ah ayaa weerarkii ugu cuslaa ee ay diyaarinayeen waayadanba ayaa laga soo qaaday, marka runta laga hadlo dagaalkaasi dagaal adag ayuu ahaa muddo afar saacadood iyo badh ahna waa uu socday, ciidanku markaas halkan ay joogaan ayay 12 Km hore u dhaafeen, way ku dhawaan lahaayeen Faliidhyaale; Godqaboobana way qabsadeenba oo imika inoo jirta sideed Km oo ahayd tuuladii difaaca u ahayd ciidamada Puntland, weerarka hore ayaa lagu qabtay toddoba tigniko ah iyo halkaas taangi, galinkii danbena weerar isaguna culus ayaa dhacay oo kowdii iyo waxii ka danbeeyay ah oo laysku raagay kaasina afartii iyo badhkii ayuu dhammaaday, baabuur badana waanu ku gubnay.”

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa isaguna dhankiisa ciidamada hanbalyeeyay waxaanu sheegay inuu deegaanku kiisii yahay “Ciidamada qaranka waxaan ugu hanbalyaynayaa inay goobtii guushii iyo faro maroojintiiba  ay dhankooda soo raacday, inaanu aragnay ciidankii qaranka oo jawaab bixiyay,kuwa maanta loo sheegayo dhulkii reerka aan  ka soo jeedaa ay joogitaanka ku lahaayeen maanta waa uu soo dhamaaday.”

Guddoomiyaha baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax ayaa dhankiisa isaguna waxa uu halkaas ka sheegay in dhaqanka ciidamada Somaliland uu yahay mid aad u wanaagsan “Ciidamada qaranka Somaliland waxa lagu yaqaan meesha ay tagaan inay dadka ka mid noqdaan oo taakuleeyaan oo siyaasada ka horeeyaan oo ciidanku dadka ay u tagaan aanay wax ay taraan mooyaane waxba yeelin aad iyo aad ayay taasna ugu amaanan yihiin, tiibaa hada la dayn waayay oo la soo shuqa shuqaynayaa, maalintii dhawayd ee UN-ku ay yimaadeena waanu u sheegnay in ciidanka Somaliland uu joogayo meesha uu degan yahay ilaa wada hadal la galaayo Somaliland-na ay diyaar u tahay wada hadal, waa laga badbadiyay oo waxa lays yidhi inta ay ku maqan yihiin dabaaldega  ka gaadhsiiya, waxaanu salaan idiinka sidnaa madaxweynaha JSL.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here