Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Amray In Xawaaraha Basaska Ardayda Qaadaa Aanu Dhaafi Karin 25-km

0
1214

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa soo saaray in guud ahaanba dalka basaska caruurta qaadaa aanay xawaaraha gaadiidka ka badin karin 25 Km, cidii dhaaftana la ganaaxi doono.

Taliyhu waxa uu amarkan soo saaray kadib markii shil gaadhi oo Hargeysa ka dhacay uu arday ku geeriyooday, waxaanu sheegay in ganaax iyo liisanka oo lagala laabto uu waajihi doono baska xawaarishiisu uu intaas ka sareeyo.

Taliye Fadal oo arimahan ka hadlaayay isaga oo ku sugan taliska ciidanka booliska waxa uu yidhi“ Waxa shil baabuur oo sababay hal qof oo arday  ah uu ka dhacay   laamiga xaafada Istaad hawska dhex marta kadib markii ay isku dhaceen oo kala ahaa baabuur mini bas ah,kaas oo siday arday ka soo rawaxday dugsiga Imaamu Muslim, waxay isku dhaceen iska rogo laga leeyahay shirkada Kiinis,waxa shilkaas ku geeriyooday marxuum Maxamed Farxaan Maxamed oo 13 jir ah, kaas oo ka mid ahaa ardaydii dugsiga ka timi,labadii baabuur iyo eedaysanayaashii ciidanka booliska ayaa gacanta ku haya waana la xidhay “

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Waxay ciidanka boolisku dib u eegis iyo baadhis hubin ku samaynayaan darawaliinta gaadiidka ardayada dugsiyada dalka qaada, wax lagu samaynayaa hubin xirafooda aqooneed ee wadista gaadiidka dib u eegis buuxda ayaana lagu samaynayaa xirfadooda.  Waxaana la hubin doonaa xaalada gaadiidkaas ardayada lagu qaadayo, waxa kale oo ay arintan masuuliyadi ka saarantahay maamulayaasha dugsiyada iyo madarisadaha inay gaadiidka iyo darawalkaba xaaladooda hubiyaan, waayo waxa ka saaran masuuliyad caruurtii.guud ahaan gaadiidka xawaaraha dheer ku socda gaar ahaan kuwa caruurta qaada si adag adag ayay ciidanka boolisku uga hawl galayaan iyaga oo horeba uga hawl gali jiray,waxaanu ka digaynaa in aanay ku socon xawaare ka badan 25-km cidii dhaafta waxa laga qaadayaa talaabo sharci ah oo adag sida uu xeerka nabadgalyada wadooyinku uu dhigaayo, kuwaas oo u kala baxaaya ganaax adag iyo in liisanka laga qaado hadaanu u qalmayn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here