Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Ka Hadlay Dhacdadii Xabsiga Hargeysa, Halka Ay Baadhistu Marayso Iyo Tirada Dadka Loo Hayo

0
696

Picture8Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada Asluubta sareeye guuto Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay isku daygii  baxsiga maxaabiista xabsiga weyn ee magaaladda Hargeysa, waxa nuu taliyahu sheegay in hadda ku dhawaad lix qof loo xidhay ku lug lahaanshaha isku daygaas,isaga oo xusay in baadhitaan ku socdo sida baaskooladu ay ugu gudubtay maxaabiista.

Taliyaha ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane) waxa uu amaanay shacbigii gacanta ka gaystay qabashada maxaabiistaas, waxaanu ugu danbayntii sheegay in baadhitaanku uu wali sii socon doono. Waxa uu arintan uga waramay taliye ciidanka asluubtu wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka qaranka, waxaanu ugu horayntii taliyuhu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Xabsigani waxa uu ahaa xabsi sida loo sameeyay ay aad iyo aad u wanaagsan tahay oo loogu talo galay in amniga laga sugo, laakiin kor loogama iman baadhitaankiina waa uu socdaa, arinkuna waa baaskooladaas meesha lagu qariyay si kasta halagu qariyee, baadhistuna waa ay socotaa oo CID-da ayaanu ku ururinay, waxaanu jecelnahay in baadhistaasi ay noqoto mid dadka loo soo bandhigo, CID-duna ay ka fiirsato oo ninkii danbigaas lug ku leh cadaalada la horgeeyo, Tusaalena lagu qaato, waayo anagu waxaanu nahay bangigii dawlada, bangina waa mid lacageed midna waa mid dadka lagu hayo. Waxaanu rabnaa in ciidanku uu ka baxo dhaqankii hore oo loo badalo dhaqankan danbe in maxaabiistu ay qorax helaan oo ay waxna bartaan oo hore loo socdo, maanu filayn in dib loo noqdo, laakiin duruus ayay noqonaysaa oo waanu ka taxadiri doonaa oo dib uma dhici doonto.”

Taliye Xiirane oo  hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadweynihii gacanta naga siiyay, dadweynahu marka ay kula shaqaynayaan waa wax yaab leh, maxaabiistaas inta badan waxa soo qabtay shacabka oo gacan naga siiyay, shacabku waxay garanayaan in ninkan askariga ah uu u ordaayo iyaga, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, waxaanan leeyahay noolaada intii nala shaqaysay iyo inta fahansan horumarka.Waxaan jeclahay in baadhistu soo dhamaato oo xeer ilaalinta la geeyo, dad badan ayaana hawlahaas lugta la galay  loo xidhay, laakiin waxa aynu odhan karnaa waa danbiile marka maxkamadda la geeyo, xabsigana waxa lagu samayn doonaa dib u eegis danbe, si aanu ficil noocan oo kale ah u dhicin.

Taliyaha ciidamada Asluubta Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), oo ka hadlaayay tirada askarta u xidhan isku daygaas baxsi ee maxaabiista waxa uu yudhi “CID-da ayaanu dadkaas arinta u xidhan ku wareejinay, nimankii wax dilay laakiin waa maxaabiista oo gacanta ayay noogu jiraan, waxii laga shakisnaa inay gacan saar la leeyihiina waa ilaa shan ilaa lix meelahaas, baadhitaankuna waa suu soconayaa.”