Taliska Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Weeraro Gaadmo Ah Oo Ay Puntland Ku Soo Qaaday Sool Iyo Sanaag-Bari

0
1073

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka ciidamada qaranka Somaliland   Gaashanle Sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay inay laba jeer laba aag oo Ganbadho iyo gobalka Sanaag ah ka soo weerareen ciidanka Puntland.

Waxa uu afhayeenka  hadlay ciidanka qaranku uu sheegay inay maleeshiyaadka Puntland ka qabteen hal gaadhi isla markaasna ay ka dhaawaceen afar askari oo uu ka mid yahay taliyihii ciidankaas watay, waxaanu sidan kus heegay shir jaraadid oo uu ku qabtay miiska saraakiisha Somaliland ” Sida aynu ogsoonahay waxa jirtay wakhtiyadan danbe in dagaal ku dhex maray ciidanka qaranka JSL iyo ka Puntland Tukaraq, dagaalkaas oo aanu u arkaynay inay wadeen maamulkii hore ee la  bedelay ee Puntland taas oo mudadii ugu danbaysay ee doorashada Puntland ay dhacday in nabada aanu doonayno in jaarku ku wada noolaado inay nala qaateen oo nabada sida aanu uga shaqaynayno ay uga shaqeeyaan, hasa yeeshee shalay iyo maantaba waxa dhacay dagaal gaadmo ah ama itaal daro ah aan waxba ka qaadayn ciidanka JSL oo ay ka sameeyeen gobalak Sanaag Bari iyo Soolba,.”

Wuxuu intaas raaciyay “ Shalayto gobalak Sanaag ciidanka qaranka waxa loo sheegay inay maleeshiyaadka Puntland  soo galeen aag kamid ah gobala Sanaag ciidanka qaranka ayaa baacsaday oo waxa ay eryadeen ilaa ay ka baxeyeen ciida JSL, maanta [shalay] laba baabuur oo ay leeyihiin Puntland ayaa soo weeraray fadhiisinka Ganbadha ciidanka qaranku si fiican ayuu isku daafacay waanu ka warhelay, labadii baabuur mid ka mid ah waanu ka qabsanay, ciidanka qaranka ayuuna gacantiisa ku jiraa hada, waxa naloo soo sheegay warka xagooda nagaga imanaaya inay afar qof kaga dhaawacmeen dagaalkaas oo taliyihii ciidankaas watay ka mid yahay, waxaan ka digaynaa anaga oo raacayna istaraatiijiyadii madaxweynaha JSL ee ahayd inay Somaliland nabad kula noolaanayso jaararka hasa yeeshee haddii ay Puntlaad ay joojin weydo wadadaas hore ee ay hayso ee maamulkii hore uu mari jiray kii maantana uu raacay waxaanu ka bixin doonaa talaabo ku haboon, oo maanta ciidanka JSL aanu cidna kula gorgortamayn sugida amaanka xuduuda JSL.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here